|

Shax Muujinaysa Cida Ka qayb qaadatay Tartanka Koobka Ramadaan ee Magaalada Ceerigaabo oo la soo Bandhigay

Ceerigaabo 31.July (SDN) Waxa horaantii bishan ramadaanta ka furmay garoonka kubada cagta ee Daallo Stadium ee Magaalada Ceergaabo wareeg kubada cagta ah oo ay ka qaybgaleen 12 kooxood oo ah dhalinyarada ku nool gobolka sanaag gaar ahaan magaalada Ceergaabo

Koobkan waxa qabanqaabiyay koox Wakhtigood hurayaal ah oo isugu jira dhalinyaro iyo sportigii hore ee gobolka Sanaag ka dib markay arkeen baahida loo qabo in dhalinyarada lagu dhiiri galiyo Sports ka si looga hortago belwada iyo anshaxa xumada ay ku kicikaraan dhalinyaradu.

Hadaba gudida qabanqaabada koobka ramadaanta Magaalada Ceergaabo waxay halkan uga mahadnaqayaan cid kastoo ka qayb qaadatay oo gacan taageero iyo mid dhaqaaleba ka geysatay qabsoomida iyo sii wadida koobkan iyo ciyaaraha.

Agaasimida iyo isku dubaridka koobkan iyo guud ahaanba wixii agab sports ku baxay waxay ahayd lacagdhan 2310$  Dollar waxana ugu horayn kharashkaas loo soo bandhigay inay ka qaybqaataan  Shirkadaha, Ganacsatada iyo dadkii iyaku awood dhaqaale lagu tabayey, waxana looga qayb qaatay sidan.

Magaca Lacag bixiyaha                  

 

Lacagta laga rabey                  Lacagtuu bixiyey           Lacagta dhiman
Telesom 150$ 100$ 100$
Somtel 150$    
Golis 150$ 50$  
EPCO  Power Station 150$    
Ciidanka Qaranka 200$    
Bisha Cas 200$    
Dawlada Hoose 150$    
Banka Dhexe Deg/Cer 100$    
Shirkada   571 100$    
Calanle Store 100$ 25$  
Towba Pharmacy 100$    
Sanaag Hotel 100$    
N/Sanaag Fuel Station  50$    
God Caanood STore  50$    
Daalo SomTrag  50$    
SBI  Erigavo Branch  50$    
Red Sea  50$    
Bilaal Store  50$    
Talyanle Store  50$    
Dr.Xiis  50$    
Maaliyada  50$    
Darwiish Stationery  10$    

Wadarta lacagta la Rabo =  2310    Wadart  Lacagta la hayo = 175$      Lacagta Dhiman = 2135$

u jeedada loo qaatay liiskani waa Dardar gelin in laga qaybqaato Harumarinta Arimimaha Bulshada  Waxana laga codsanayaa cidii kaalmo dhaqaale ku darsanay Hawshan in ay u furantahay meel Kastaad joogto Walina Waxa dhiman lacag dhan 2135$ kuma koobna Dadka dhaqaalaha laga rabaa inta liiskan ku qoran laakiin waa cidii awooda oo dhan si halkan magaciisu uga muuqdo

Ceerigaabo SDN.

Comments are closed