|

Xubno Golaha Wasiirada ah oo Gobolka Gebilay Mashaariic ka Fuliyay

Gebilay 31.July (SDN) Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada ee Somaliland ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad lagu furayay Mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay Magaalada Gebilay .

Xubnahan Golaha Wasiirada Waxay kala ahaayeen Wasiirada Maaliyada,Waxbarashada,Caafimaadka,iyo Wershadaha Waxaa kale oo Wehelinayay Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada,Maamulka Gobolka Gebilay iyo ka Degmada Gebilay,Waxay Wasiiradani Xadhig ka Jaris iyo Dhagax dhigisba ku Sameeyeen Mashaariic kala duwan oo laga fuliyay Gobolka Gebilay kuwaas oo isugu Jiira Xafiisyo Wasaaradeed,Dhismayaal Waxbarasho,iyo Xarumo Caafimaad.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo ka hadlayay Xafiis Cusub oo Wasaaradiisu ka furatay Magaalada Gebilay ayaa Tilmaamay in Xafiiskani uu Noqonaya Mid Kulmiya Gobolada Gebilay iyo Hawd,Wasiirku Waxa uu Xusay in Mudadii Sadexda Sanno ahayd ee Xukuumada uu ka Tirsan yahay ay talada dalka haysay uu kor u kac balaadhani ka Muuqdo dhaqaalaha dalka isagoo Sheegay in Gobolka Gebilay uu door Muuqda kaga Jiro Dekhliga dalka waxaanu intaas ku daray in Xafiiskan uu Maanta Xadhiga ka jaray uu yahay Mid qalab iyo Gaadiidkiisuba u dhamaystiran yihiin.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Zam Zam Cabdi Aadan ayaa dhagax dhigtay Qaybo Cusub ayaa dhagax dhigtay Qaybo Cusub oo lagu Kordhinayo Jaamacada Timcade ee Magaalada Gebilay Waxayna Sheegtay In Wasaarad ahaan ay Xil Weyn iska saarayaan Wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee Jaamacada Timcade.

Geesta Kale Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Mudane Saleeban Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa dhagax dhigay Cisbitaal laga hirgalinayo Degmada TogWajaale kaas oo uu Xusay in hirgalintiisu ay qayb Weyn ka qaadanayso hawlaha adeega Caafimaadka ee Bulshada Degmadaasi u Ooman yihiin.

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Yuusuf Ibraahin Geedi iyo Duqa Magaaalada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse ayaa dhinacooda amaan uga soo Jeediyay Xubnaha Golaha Wasiirada ee Mashaariicda dhinaca horumarka ka fulinaya Gobolka Gebilay iyagoo ugu baaqay Hay’adaha kale ee dawladuna inay ku daydaan.

Gebilay SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed