|

Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Awdal oo dhisme ay ku hawl gasho lagu wareejiyay

Boorama 31.July (SDN) Gudoomiyaha Gobolka Awdal Md Cabdoo Axmed Aayir ayaa maanta dhisme dawladu leedahay ku wareejiyey wasaaradda caafimaadka ee Gobolkaasi, dhismahaas oo hore ugu jiray gacanta qof muwaadin.

Dhismahan oo wasaaradda caafimaadku hore u adeegsan jirtay in muddo ahna ku jiray gacanta muwaadinkaasi ayaa hawsha dib ugu soo celinta gacanta dawladda waxaa gacan ka gaystay Dawladda Hoose ee magaalada Boorame ka dib markii ay kaalmo dhaqaale gudoonsiisay muwaadinkii gacanta ku hayey.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa si rasmi ah dhismahaasi ugu wareejiyey agaasimaha cisbitaalka guud ee magaalada Boorame Dr ismaaciil Muxumud Aaye oo ku sime u ahaa isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolkaasi. Waxana uu badhasaabku sheegay in dhismahani dabooli doono qayb ka mid ah baahidii dhinaca dhismayasha ee haysatay guud ahaan bahda caafimadka ee gobolka Awdal.

Md saleebaan Xasan xaddi mayorka magaalada Boorame ayaa isna dhankiisa tilmaamay inay dawladda hoose ahaan dadaal badan u galeen sidii dhismahani dib ugu soo noqon lahaa gacanta wasaaradda caafimaadka isla markaana uu maanta laga bilaabo ka mid yahay hantida wasaaradaasi.

Madaxa MCH-yada ee gobolada awdal iyo Salal Maxamed Cumar xaaji Yaabe ayaa isna uga mahadnaqay dawladda hoose doorkii ay ku lahayd hawsha dhismahani.

Boorama SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed