Hargaysa 22.July 2015 (SDN/QJ)- Ilaahay Naxariistiisii Jano ha ugu deeqee Waxaa Maanta lagu aasay Xabaalaha Naasa Hablood Sheekh Cabdillaahi Diiriye Cali Sooraan oo mudooyinkii u danbeeyay ku xannuunsanayay Magaalada Hargaysa.
Sheekh Cabdillaahi Diiriye Cali Sooraan Eebbe ha u naxariistee Waxa uu Mudo ku siman Labaatan sanno ka hor ka fadhiistay Hawlaha fanka ee uu xubinta ka ahaa waxaanu u jeestay dhanka fidinta diinta isagoo Iimaam ka ahaa Masaajido ku yaala dalalka Ingiriiska, Sucuudiga iyo Hargaysa.
Sheekh C.laahi Diiriye Sooraan oo Mudo Hore Fanka ka Fadhiistay kana Mid ahaa Culimada Diinta oo Hargaysa ku Geeriyooday Iyo Weedhihii Aaskiisa laga Jeediyay DAAWO
