Hargaysa 17.Jan 2014 (SDN)- Taliska Guud ee Ciidamada Booliska ayaa ka Warbixiyay fal ka dhacay agagaarka Khayriyada Magaalada Hargaysa isla markaana lagu dhaawacay Sheekh Maxamed Haybe Guuleed oo ka tirsan Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista Xiligaas oo uu muxaadiro diini ah ka jeedinayay Goobtaas.
Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.raxmaan Liibaan Axmed Fooxle oo ay Weheliyaan Taliyeyaasha aaga Galbeedka iyo Bariga Hargaysa oo Caawa Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay Falkaas Lagu dhaawacay Sheekh Maxamed Haybe Guuleed waxaanu taliye ku Xigeenku Sheegay in Sheekha uu Weerar Gaadmo ah ku soo qaaday eedaysane lagu magacaabo Maxamud Maxamed Cali Waxaanu Taliyuhu Xaqiijiyay in Eedaysanahan ay Gacanta ku dhigeen Ciidanka Boolisku .
Warku waxa uu intaas ku darayaa in Dhaawaca Sheekhan oo ka soo gaadhay Tooray oo ah Mid Culus lagu dawaynayo Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa .
Waxa uu Taliyuhu u soo Jeediyay Warbaahinta inay ka dhawrsoonaadan faafinta qaab ka duwan Warkan iyadoo ay Baadhistii Kiiskani Socoto.
Si Kastaba Ha ahaatee Gacan ka hadal noocan oo kale ah ayaa lagu soo waramaya maalmihii ugu danbaysay dhibaato loogu gaystay sheikh ka qudbadeeyey Masaajid ku yaala Xaafadda Goljano ee Hargeysa, kaasoo ka hadlay Dooda ka taagan Mawliidka Nabiga.
Dgacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya maalmaha barakaysan eek u began dhalashadii Nabigeena Suuban Naxarriis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee, hase yeeshee waxa ka muuqda Qudbadaha Culimada Doodo iska soo horjeeda oo kooxiba kooxda kale ama Culimada Masaajidada ka jeedinayso hadalo ay ku sharaxayaan Mawliidka Nabiga, taasoo abuurtay in gacan ka hadaladani ay dhacaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
