|

Siyaasi Abiib Timo Cad oo ka Dayriyey Xaalada Dhismaha Waddada Ceerigaabo Isla Markaana Sheegay in Jidkaasi aanu ka Danbayn Hogaamiye Xirsi

Ceerigaabo 16. August 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiga Abiib Diiriye Nuur Timocad ayaa xukuumada haatan ku dhaliilay mid ka baxsatay wadadii Ceerigabo, isla markaasna aanay wadadu ka danbayn wasiirkii madaxtooyada ee hore Xirsi Xaaji Cali.

Waxa uus siyaasigani sheegay in xaalada wadadii Ceerigaabo ay liidato kadib markii wasiirka madaxtooyada ee hore meesha ka baxay, isla markaasna wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan la hoos geeyay. waxaana arimahan uga sheegay  dadweynaha magaalada Ceerigaabo meel fagaare ah, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Xisbiga  Kulmiye iyo dawladiisu halkay dalka mariyeen idinka warami mayano isha ayaa macalin ah oo Ceerigaabo ayaynu ka garanaynaa, waa ay noo muuqataa in aan dalkan iyo dadkan waxba loo qaban wadadii Somaliland oo dhan isugu tagtay maanta waa laga baxsaday oo waa laga yaacay, maalintii uu ka tagay ninkii gaabnaa ee fariidka ahaa ayaa meesha ugu danbaysay, laga tag oo waa laga caraabay, intii xataa la sameeyay intii madoobayd ayaa hoos martay oo xagii cadayd ayaa saraysa, way is daba martay, rafkaa dhaama, waxaas oo dhan waxa dilay waa dawladan.”

 

Siyaasiyiin iyo dad shacab ah ayaa hore u sheegay in jidkii Ceerigaabo ee ahaa mashruucii ugu weynaa ee Madaxweyne Siilaanyo uu istaagay markii uu wasiir cal-maareexaan la wareegay, laakiin wasaaradda hawlaha guud ayaa iyaduna dhinaceeda beenisa wararkaas.

Comments are closed