Uncategorized

Sheekh Umal Oo Markii uu Somaliland Ka Baxay Ammaandarro Darteed Loogu wareejiyey Ciidamo Si Gaar ah u Ilaalin Doona

Garowe:June,10,2014(SDN/QJ)-Sheekha caanka ah ee Maxamed Cadbi Umal oo Safarro diimeed ku marayeyey Goobo Badan oo ka mid ah somaliland, ayaa Haatan gaadhay Xarunta Maamul-g0boleekda Puntland ee Garowe, waxana  is beddelay Qaabkii uu u waday Sodaalkiisa.

umalSheekh Umal oo maalintii shalay Gaadhay Garowe ayaa Halkaas  lagu soo dhaweeyey, waxana  si weyn loo adkeedyey ammaankiisa, iyagoo gacanta loo geliyey Ciidamo Boolis ah oo si gaar ah u ilaalin doona inta uu Magaalada ku sugan yahay.

Sheekh Umal oo muddo badan joogay Magalooyin tiro badan oo somaliland ah, ayaan mar kaliya wax ciidan sheegtaa agtiisa soo istaagin, waxase ay taasi dhacday markii uu ka b axay Ciidda somaliland una Gudbay dhinaca somalia, iyadoo Maamulka Puntland-na markii uu Garoowe gaadhay raxan ciidan ah ammaankiisa ku wareejiyeen.

Sheekh umal ayaa u muuqday nin yaqiinsaday inuu soo galay seerihii Nabadgelyo-darrada markiii uu hareerihiisa ku arkay ciidamda hubaysan ee ilaalinaya Masaajidkii uu salaadda ku tukanayey.

Waxa fursad u waayey sheekh Boqolaal ka tirsan shacabka reer Garoowe oo doonayey inay soo dhaweyn ballaadhan u sameeyaan, waxana  la dejiyey Huteel ay ciidamo gaar ahi ilaalinayaan.

Sheekh Umal ayaa lagu wadaa inuu  Maanta muxaadaro ka jeediyo Mid ka mid ah masaajiddada magaalada Garowe, waxana uu Maamlku u qoondeeyey in Ciidamo tiro badan la dhigo Hareeraha masaajidka uu sheekhu  marxaadirada ka jeedin doono, waxana la filayaa inay dadweyne tiro badani halkaas ka soo qaybglei doonaan.

sheekha ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ka ambabixi doono Garoowe, waxana  ay arrintu u muuqataa inuu Haatan wixii ka dambeeya Diyaarad raaci dooono, isagoo kaliya sii mari dooona Muqdisho, mase jirto meel kale oo somalia ka mid ah oo u qoondaysani, maadaama ammaandarradii uu haatan u soo galay.

Sheekh umal ayaa sababta ammaankiisa sidan loogu adkaynayo lagu  sheegayaa inay jirto xurguf  hoose oo u dhaxaysa Shabaabka, waxana laga cabsi qabaa inay u soo melegaan shirqool ay ku khaarajinayaan wadaadka.

Sheekh oo ka mid ah culimada soomaaliyeed ee aadka loo jecel yahay, ayaa la filayaa inuu socdaalkiisa muqdisho kadib ku jiheeyo dalka uu ku nool yahay ee Kenya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com