|

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Amaantay Xiriirka Shiinaha kala dhexeeya Soomaaliya

Addis Ababa Jan 31 2013 (SDN)– Wasiirka arimaha dibada xukuumada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Haji Adan ayaa si weyn waxay kaga hadashay xariirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo dowlada Shiinaha,iyadoo xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha ku tilmaamtay mid wanaagsan.

Hadalkaan ayay wasiirada ka sheegtay kadib wareysi qaas ah oo ay siisay wakaalada wararka dalka Shiinaha (Xinhua),waxayna shaaca ka qaaday in marka laga soo tago xariirka Shiinaha iyo Soomaaliya,dowlada Shiinaha wax badan ay u qabteen umada Soomaaliya iyo dalkaba,iyadoo tusaale u soo qaadatay waxyaabahihii shiinaha Soomaaliya uu ka qabtay dhisida cisbitaalo iyo waliba hirgilinta wado isku xirta bartamaha iyo qeybaha kale ee waqooyiga dalka Soomaaliya,iyadoo dhanka kale hoosta ka xariiqday in Shiinaha Sidoo uu dhisay Garoon lagu ciyaaro Kubada cagta.

“Dowlada Shiinaha waxaana ahayn saaxiib wanaagsan laga soo bilaabo 1960s,markaasi shinaha qeyb ka aheyn golaha ammaanka,waan caawinay Shiinaha,waxaan u olalleynay in uu qeyb ka noqdo wadamada Qaramada Midoobay xubnaha ka ah.”ayay tiri Fowsiyo.

Sidoo kale Wasiirada arimaha dibada oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay carabka ku adkeysay in Shiinaha uu ka tirsan dowladaha sida weyn u kaalmeeyay Soomaaliya,iyadoo haatana sheegtay inay intaasi ka sii dheereynayaan.

Ugu danbeyntii Wasiirada arimaha dibada wareysiga ay siisay wakaalada wararka ee shiinaha (Xinhua),ee ay kaga hadlaysay xariirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo shiinaha ayaa waxay ku soo gabagabeeysay in dowlada Shiinaha haatan uu qeyb weyn uu ka qaadanayo dib u dhiska wadanka iyo qalabeynta ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya mar kale cagaheeda ugu istaagi lahayd.

SDN

Comments are closed