|

Shirguddoonka Baarlamaanka Oo Iclaamiyey Xilliga Golaha La Horkeeni Doono Mooshinkii Xukuumadda Ka Dhanka ahaa

Muqdisho:Nov,30,2014(SDN/QJ)-Go’aan shalay goor dambe kasooo baxay Guddoonka Baarlamaanka Somalia, ayaa lagu sharraxay halka ay ku dhamaadeen Wada-hadallo ku saabsanaa sidii Goluhu dhinac iskaga dhigi lahaa Muran hadheeyey kulamo uu dhawaan ku lahaa Xaruntiisa Muqdisho, kuwaas oo ku dhamaaaday Fawdo iyo qaylo  bulshada warwar ku Abuuray.

segc Warkan ka soo baxay Gudoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in maalinta Salaasada uu dhici doono kulanka Baarlamaanka oo taariikhda ku beegan 2-da bisha December, isla markaana la guda geli doono mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali.

Sidoo kale Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in mooshinka iyo doodiisa la soo afjari doono 6-da bisha oo ku beegan maalinta Sabtida ee soo socota, taasoo macnaheeda yahay in codka kalsoonida loo qaadayo Xukuumada.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa garwaaqsaday in lagu soo celiyo degenaansho kulamadii Baarlamaanka, isagoo u mahad celiyay labadii garab ee Xildhibaanada ahaa ee maalmahan wada hadalada lala galayay sidii xal looga gaadhi lahaa kulamadii Baarlamaanka ee buuqa iyo fowdadu hadhaysay.

Hadalka kasoo baxay Guddooomiye Jawaare ayaanay wali wax jawaab ah ka bixin xildhibaanadii diidanaa Mooshinka, waxana aamusnaantoodu muujinaysaa inay ku qanceen in mooshinka la horkeeno Golaha Dhexdiisa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed