Minneapolis Sept 05,2013(SDN)-Sida shabakadaha qaarkood qoreen, waxaa inta badan la hadal hayey: maxay Puntland State u qaadacday shirkaan ka socda Xamar? Se waxaad modaa in la hilmaamay is waydiinta: Jubbaland ma laga martiqaaday shirka? Sidoo kale, waxaan weli laga hadlin in Somaliland shirka ka qaybgashay iyo in kale?
Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogayn dadka shirkan qaranka Muqdisho ka qaybgalya yaa marti qaaday? Waa maxay shuruudaha laga rabo in ay buuxiyaan in ay ka qaybgalaan shirka qaran oo lagu gorfaynaayo mustaqbalka qaranka iyo isu keenida dadkii uu kala waday 20 sano ka badan dagaal sokeeye socday?
Intaa waxaa sii dheer, arimo kale oo la is dhexmarayo oo ah in qurbo joogta shirka laga martiqaaday ay yihiin dad macariifo ama qaraabanimo ama xulufonimo ahaan lagu xulay oo aysan ahayn mid qofka kartidiisa iyo aqoontiisa ku salaysan.
Dad aan waraysatay ayaa waxay ii sheegeen sawirada Radio Mogadisho ku lifaaqan qoraanlada qaarkood ee ka waramayey shirka dadka ay ku arkeen ay ahaayeen dad lagu soo xulay waxa afka qalaad loo yaqaan “clubhouse for few” oo macnaheeda guud uu noqon karo “dad yar oo xulufo ah – ha ahaadeen qaraabo ama macariifo”.
Marka anigoo aan u hadlin maamulada hada jira. Se waxaa laga yaabaa in mid ka mida maamulada hada jira aysan marnaba muujin wax rabitaana oo ay u qabaan shirar Dowlada Federaalka ah abaabusho. Marka ma laga yaabaa, in arimah kor ku xusan iyo arimo kale la xariira cadaalada iyo gacan bidxaynta ay tabanayaan maamulada hada jira sida Jubbaland iyo Puntland in ay tahay sababta kaliftay in Puntland State qaadacdo shirka? Waa su’aal jawaab cadaalad ah u baahan – oo aan iska jawaab ku hanboonayn madaama qofba waxa dhiba uu kaa ogyahay.
Dadka qurbo joogta oo aad ugu riyaaqay fikrada “waaga cusub” iyo doorashadii maamulka Dowlada Federaalka ee hada jira, se waxaa soo if baxaysa in aysan qurbojoogta aysan hada sidii hore ugu riyaaqsanayn hogaanka “waaga cusub” ee lagu tiriyo xisbiga cagaaran ee afka qalaad loo yaqaan “the green party” sabababaha ay dadka inta badan tabayaan ay tahay, sida ay ii sheegeen, in xisbiga uu ka tagay wixi astaanta u ahayd oo ah in ay cadaalada iyo sinaan ku jaheeyaan maamulkooda.
Mohamed Barre – Junlay [Buluf] oo wax ka qora arimaha Jaaliyada Soomaalida ee degan Magaalada Minneapolis, MN ee dalka Maraykanka –
