Uncategorized

Shirkadii lunsatay lacagtii Dayactirka Aiportka Hargeysa oo markale loo ansixiyay 5 million oo dollar

Hargeysa Feb 09,2014(SDN)-Waxaa mar kale wasaarada duulista iyo hawada ee Somaliland ay si kheyrul shrci ah ku bixisay mid ka mida qandaraasyada lagu dayac tirayo madaarada dalka khaasatan ka caasimada.

Shirkada China Hono Group oo hore gacanta loogu geliyay qandaraaskii loogu talo galay dayactirka Garoonka Duyuuradaha Cigaal ee Hargeysa ayaa ay aheyd in ay fuliso sadex arimood.

In shirkadu ay dhisto goobaha duyuuraduhu rakaabka ka daad gureeyaan isla markaana ay ku hakadaan ee afka qalaad lagu yiraaxdo Taxi area.

In la kordhiyo dhererka dhabaha duyuuraduhu ka kacaan kana soo degaan iyo in gebi ahaanba  ay xeyndaab ku wareejiyaan dhulka uu ku fadhiyo Garoonku.

Shirkada China Hono Group oo ay wada jir u leeyihiin xaaska madaxweynaha, inan ay Sodoh u tahay,wasiir Xirsi iyo ganacsade la yidhaahdo Comaani oo ay madaxweynaha ehel yihiin ayaan sadexda qodoba fulin.

Shirkada ayaa hawl ubadneyd ragcad iyo laamey ay dul dhigtay kii hore u yiilay ku qaadatay aduun dhan $ 4,436,000 oo aaney jirin cid wax ka weydiisay.

Haatana dawlada Kuweit ayaa 5 million oo dollar oo kale u ansixisay shirkada China Hono Group tiyoon dib u eegid ku sameyn in qandaraaskii hore la fuliyay.

Sidoo kale qandaraaskan cusub ayaan la soo marin hayadihii dalka ee ku shaqada laaa isla markaana aan loo soo bandhigin shirkadaha wadaniga ah ee dhismaha dalka ka hawlgala.

Wasiirka wasaarada Duulista iyo hawada ayaa la sheegay in uu u dalbay shirkada China Hono Group qandaraaska cusub oo Kuweitna ay soo ansixisay bilaa suaal.

Si kastaba ha ahaatee dadweynaha reer Somaliland ayaa isweydiinaya in Garoonka Duyuuradaha ee Caasimada dib bilooyin u xirnaan doono mar kale, dibna loo furi doono kiyoon waxba laga qaban isla markaana aduun lagu lunsaday?

Mucaaridka dalka oo ka hadla gefefka siyaasadeed iyo lunsiga hantida umadda mar xeero iyo fandhaal kala dheceen ayaan ilaa iyo haatan ka warheyn muaamaradan lala damacsan yahay Madaarka Caasimada dalka.

Iyada ood moodaba masrixiyada ka socota gollaha Wakiilada in lagu marin habaabinayo dalka.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com