|

“Siilaanyo waa Nin aanu Saaxiib Nahay aadna usoo wada shaqaynay, Reerkiisa iyo Kaygu asxaab bay ahaayeen, waana nin aanu dadka isaga sokayno.” Cali Khaliif

Miniapolis:Nov,14,2014(SDN/QJ)-Siyaasiga Ku Hawllan Fadqalaynta Deganaanshaha Gobolada Bariga somaliland Cali Khaliif Galaydh, ayaa markii ugu horraysay Si cad u sheegay xiisaha uu qabo wada hadallo uu la yeesho Xukuumadda somaliland, si meesha looga saaro Xurgufta ka taagan deegaanada Bariga somaliland.

labarCali Khaliif Galaydh ooh ore u sheegay inuu yahay Madaxweynaha Kooxda Khaatumo, isla-markaana iska diiday inuu kusoo fadhiisto Gogol Nabadeed oo Madaxweyne Siilaanyo u dhigay, ayaa haatan carrabka ku adkeeyey inuu doonayo wada Hadallo uu somaliland la yeesho, maadaama aanay colaaddi faa’iido lahayn.

Cali Khaliif oo haatan ku sugan Dalka Maraykanka, ayaa sheegay inay jirto saaxiibtinimo Qoto dheer oo u dhexaysa Isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo, taas oo ka Soo Bilaabantay dhinaca Hanaqaadkooda oo isku Ollog ahaa,

“Siilaanyo waa Nin aanu Saaxiib Nahay aadna usoo wada shaqaynay, iskuullada waa iiga horreeyey. Dalkaa ingiriisku wax ku bartay anna dalkan maraykankaan wax ku Bartay, 64-kii Buu Somalia ku Noqday anna 65-tii baan ku noqday shaqaale Dawladeed Baanu wada ahayn. Waa is niqiinay  Reerkiisa iyo Kaygu asxaab bay ahaayeen, waana nin aanu dadka isaga sokayno. Laakiin siyaasaddu maalinba meel bay ku  jirtaa.”ayuu Yidhi Cali Khaliif Galaydh.

Cali Khaliif waxa uu carrabka ku dhuftay innay jiraan xiiso dhinaciisa ah oo ku saabsan wada-hadalka uu la gelayo somaliland, waxana uu yidhi,

“Meelahan waxan ka Maqmaqlayaa somaliland iyo Khaatumo Wada-hadallaa u socda, wada-hadallo nooma socdaan, laakiin kuwo aanu rabno weeye kuwo aanu u badheedhayno weeye, kuwaa aanaan qarsanayn weeye.”

Waa Markii Ugu Horraysay ee uu Cali Khaliif Galaydh si toos  ah u sheego xiisaha uu qabo wada-hadallo uu la yeesho somaliland, waxana arrintani kusoo Beegmaysaa xilli xiisadda siyaasadeed ee Somaliland si weyn u kacsan tahay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed