|

Siiriya: Khasaaraha ka dhashay qaraxyo maanta ruxay caasimadda Dimishiq iyo magaalada Idlib

Dimishiq 30, April 2012 (Qurbejoog.com/CNN)- Qarax saddexaad, ayaa Isniintii maanta ruxay magaalada magaalada dhinaca Waqooyi/galbeed ee Idlib, saacado uun ka dib markii qaraxyo mataano ah oo baabuur loo adeegsaday sababeen dhimashada 20 qof.

Sida uu ku waramay Telefishanka CNN, ilaa 100 qof oo badi shicib ah, ayaa ku dhaawacmay qaraxyadaa baabuurta loo adeegsaday oo xilli hore oo maanta ah ka dhacay caasimadda dalkaas ee Dimishiq, siday sheegeen dhaqdhaqaaqayaasha mucaaradka dalkaasi.

Warku wuxuu intaa ku daray, in badi dadka qaraxyadaas ku dhintay ay ka tirsanaa ciidamada amaanka dawladda Madaxweyne Bashaar al-Assad, sida uu sheegay ururka la socoshada Xuquuqal-insaanka Siiriya oo soo xiganaya il-wareedyada goobaha Caafimaadka.

Mid ka mid ah labada baabuur ee ismiidaaninta loo adeegsaday, waxa lala eegtay dhismaha mid ka mid ah hay’addaha amaanka dalkas, iyadoo ka labaadna lala beegsaday dhismaha Baanka Dhexe ee dalka Siiriya, siday warbaahinta afka dawladda ku hadashaa baahisay.

Warbaahinta dawladda Siiriya, waxay intaa ku daray in koox ka socota kormeerayaasha Qaramada Midoobay ee loo xilsaaray xaalada Siiriya ay booqdeen goobaha ay maanta qaraxyadu ka dhaceen.

Wararka hordhaca ah ee ka soo baxay qaraxa saddexaad ee Idlib, ma sheegin wax khasaare ah oo uu dhaliyay, waxaana la sheegay in qaraxa magaalada Idlib ka dhacay ka dhashay bamboo jidka dhinaciisa la geliyay.

Muddo sannad ku dhow, waxa dalka Siiriya ka socda qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay kacdoon dadweyne oo lagu diidan yahay dawladda Madaxweyne Bashar Al-Assad.

Qurbejoog.com, Dimishiq

Comments are closed