|

SIR CULUS OO KU SAABSAN HESHIIS QARSOODI AH OO AY WADA GALEEN SHEIKH SHARIIF IYO SHARIIF XASSAN EDIN

Waxaa Dhaqanka soo jireenka ah ee Digil iyo Mirifle soo gaartey Cabasho ay u soo gudbiyeen Xildhibaanada Cusub oo loo qoraayo Baarlamaanka soo socda in laga saxiixaayo heshiisyada ama ballan qaadyada soo socda:

 

  1. In Qofka lagu daraayo Liiska Xildhibaanada Digil iyo Mirifle laga saxiixaayo inuusan isku soo sharraxi Karin Jagada Guddomiyaha Baarlamaanka Cusub, haddii uu balaanta ka baxana soddonka Odey Dhaqmeedka Bugta lagu keensadey ay ka xayuubin karaan Xilkaas waqti kasta.

 

  1. In Xildhibaanada ay u codeeyaan Shariif Xassan si uu mar labaad ugu soo noqdo Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka ka dibna isaga looga dambeeyo inuu Wasiirada kula xisaabtamo Shariif Sheikh Axmed.

 

 

  1. In Xildhibaanada ay si ka leex leexd lahaynin u codeeyaan Sheikh Shariif si uu mar labaad ugu soo noqdo xilka Madaxweyne nimo oo laga dhigaayo doorasho gacan taag ah si loo ogaado Xildhibaankii fulin waayo ballanta laga saxiixdey, loona sheegey in tallabo kasta laga qaadi doono sida Xil ka qaadis, Xarig ama dilba.

 

  1. Sidaas oo kale Beesha Shanaad ayaa iyana cabasho taas la mid ah ka keentey arrinmahaas iyagoo caddeeyey in laba Shariif ay si qasab ah Xildhibaan ugu dhigi rabaan Sheikh Shariif Seedigiisa, loogana tirey Liiska ninkii ay Beesha Reer Marka u soo qorteen iyo weliba iyadoo kuwo kalena ay jiraan oo liiska laga saari doono.

 

 

  1. Kala fur furidda iyo fulinta Hawlahaas waxaa si gaar ah ugu Xilsaaran Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Prof. CABDULLAHI XIIREY iyo Teamkiisa oo kaashanaaya soddonka Odey Dhaqmeed ku sheegta oo uu Xariif Sakiin keensadey, kuwa Beesha Shanaad oo ay keeneen dad iyaga u xilsaartey lagula soo heshiiyey in aan la soo dooran Karin cid aan ka ahaynin Laba Shariif iyo Xulafadooda.

 

Xubanaha soo gudbiyey Sirtaan oo sababo amaan darted inaga codsadeen inaan magacyadooda soo bandhigno , laakin arrintani waa mid xaqiiqo ah oo ay diyaar u yihiin inaan soo bandhigno mar alaale markii arrintani ay gaarto in looga dodo sharciga hortiisa.

 

MAXAMED AFRAX ADEN

AF HAYEENKA DHAQANKA DIGIL IYO MIRIFLE

Email: digil_mirifle13@yahoo.com

Comments are closed