|

Siraha Qarsoon ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Wejiga Dhabta ah ee Wasiir Cabdicasiis Samaale! qaybtii 2aad

Sidoo kalena MR. Khadar INDHALEEB oo  hayb wadaagaan isla markaan abtii u ah wasiirka wasaaradda maaliyadda looga dhigay gunoo lacag dhan 1,500$ sidoo kalena la siiyo markasta oo uu baxo SAFAR DHAGAREEDKIISA UJEEDEYSAN habeen dhaxyo  iyo mushaharkiisii iyo waliba gunadiisaba, shaqaalaha cashuuraha beriga’\kastamka  kala bedela oo qaar isaga u shaqeeyana  siday ku odhanayaan dadka xogogaalka u ahi uu keensado , ka diidana in  uu bixiyo masaariif joogta ah  markaaba la bedelo, iyadoon lagala tashan agaasimihii guud iyo agaasime waaxeedka kastamka balse uu uun wasiirku ugu soo qoro magacyada kuwa la soo bedelyo iyo kuwan loo bedelayaba, sidii uu isagu kala yaqaanay ilayn waa far uu soo dhigay Mr. Khadar Indhaleeb sidii uu ka sameeyayba barta hubinta ee Abaarso, ee uu keenay wiil yar oo la yidhaahdo Mr. Saalax  oo ahaa shaqaalaha temoparary-iga ah ee waaxda cashuuraha beriga shaqaynayena muddo sannad ah, balse aanan waxba ka garanayn isagoo soo raacsaday laba nin oo kale oo isaga haga, iyadoo maamulihii horena ee sabab la’aanta iyo xaqdarada xilka looga qaadayna la yidhi maxaad naga rabtaan nin aydun isku beel tihiinbaanu keenay abaarso ama odayaashiisaba, sidoo kalena laga wada bedelay dhammaan shaqaalihii wasaaradda ganacsiga, iyo ciidankii police ee ka hawl gali jiray check point abaarso.

Waxyaabaha la yaabka leh ee ka dhacday wasaaradda maaliyadda waxaa ka mid ah, in markii uu xilka laba wareegay uu amar wasiirka wasaaradda maaliyaddu ku siiyay kastamka kalabaydh inay kormeer ku joogaan muddo dhan 5 cisho iyadoo marka hore agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadduna uu u diray kastamka berbera,taas oo shaqaalihii ku noqotay la yaab, markay joogeen mudadaasna way soo noqdeen soona report gareeyeen si sax ah iyo wixii ka socdayba kastamka kalabaydh, waagaa waxaa hogayaaminay qaybtan cusub nin wayn oo mas’uul ah oo aan ku jirin waxan uu wadi jiray mr.khadar indhaleeb oo cafimaad ahaan ugu maqnaa dalka Maleesiya xaga wadnaha ah, isla markuu yimi marlabaad waxay ugu soo kicitimeen cabasho ka timi gabadh ay isku hayb dhaw yihiin wasiirka wasaaradda maaliyadda, oo la yidhaahdo xabiiba cabdi, tasoo ay 3 cisho ah ku joogeen laanta wajaale oo ka tirsan kastamka kalabaydh, kadibna ay uga sii gudbeen kastamka ALLA-I-BADAY halkaas oo ay yidhaahdeen  waxaa soo mara qaad lagu qiyaaso 1000 (kun kilo)  maamulka meesha joogay wuxuu cashuuri jiray 50 kilo oo kaliya anaguna waxaanu nidhi cashuura 150 kGs, taas oo ah fal danbiyeed aad iyo aad u fool xun oo aanay cidina aqbali karaynin waayo cid ka dayn karta cashuurta dawladda cid ma jirto waxaanay toos  uga hor imanaysaa xeerarka dalka sida dastuurkeena article 54, iyo diinta islaamka, caqli saliimka ah ay dhigayaan, iyadoo ln badan lagu xamanaya in ganacsata ay isku beesha yihiin khaddar indhaleeb loo jabiyo cahuurta dawladda sidii mar horena ka dhacday in qaarba si loogu cashuur kastamka berbera wakhtigii uu joogay eng.maxamed xaashi cilimi ee ahaynd OMINCO CO IYO DALDHIS WAA ARRINTII GARAA’IDKA OO ISKU MAALIN  OOMAAR QIIMO JABAN LOOGU CASHUURAY HALKA DALDHISNA QIIMO KALE OO AAD UGA QAALISAN LOOGU CASHUURAY CABASHADOODUNA XATAA AY GAADHAY MADAXTOOYADDA .

Sidoo kale, qaybta baadhistu waxay samaysay kormeer fudud oo ay ku soo mareen meel ka mid ah bariga iyaga oo u soo hamodigyo lahaa uun kastamka kalabaydh oo ay in badan ku tiraabeen in nalaga haysto iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya cashuurbaa la lunsadaa, iyadoo la wada ogyahay in qoladii ka horeysay ee ay kala wareegeen maamulkan imika jooga ee soo saari jiray 60 milyan  ilaa sideetan milyan, ay hadana imika madax ka yihiin kastamka saylac mr.cumar xasan caalin oo waliba uu khaddar indhaleeb aad uga amaano meel walba, halka maamulaha kastamka berberina uu ku qariyo lunsiga iyo ogaansha la’aanntiisa xafiisyadiisa waxaa ka socda badeecaddii waxay iiga leexatay xagaa iyo saylac, si kastaba ha ahaatee horaa loo yihdhi nin meeli u cadahay meeli ka madaw, mr.khadar indhaleeb oo wata shaqaale ku sheeg ay isku wada hayb yihiin iyo qaar aan shaqaaleba ahayn iyo qaar aan kaba shaqayn waaxdiisa, wuxuu keenay laanta abaarso oo maamulihiina uu bedelay ku yar oo u shaqeeya uu keensaday, iyadoo ay da’yaan roobabkii guga ee ka curta dalkeenan Somaliland iyo dalkan Itoobiya, qaadadkii mari jiray kilka shanaad ee la gayn jiray jiida dheer ee ka bilaabanta kaam barwaaqo,kaam abokor,kaam rabaso, kaam daroor, kaam khaatumo, khaam gashaamo, iyo gobolka buuhoodle, oo ka soo baydhay roobabka iyo inay gawaadhidu gasho qaadka sidaa, ayay u soo leexdeen xageenan Somaliland , waxaanay soo mariyeen kastamka kalabaydh , intii aanay iman dakhligu uu soo saari jiray kastamku wuxuu dhamaa 289 milyan maalin kasta, markii waxaas oo qaad ahi soo mareen  ayuu dakhligii tagay 337 milyan farqiguna korodh waa 37 milyan oo ay sabeebeen qaadkaa roobabku soo leexiyeen, mr.khadar indhaleeb oo ay taageerayaan dad ay isku deegaan yihiin iyo qaad cashuuro iyo qaar ka mid ah shaqaalaha kastamka kalabaydh ee ku mamay xaaraantii iyo hanta lunsigii ay samayn jireen lana yaabeen maamulkan dhalinyarta ah aqoonyahaynka ah, ee bilaa balwada ah, ee ehlu cibaadad ah, ee ku guulaystay  inay hantida umada iska ilaaliyaan , dadka kalena ka ilaaliyeen, iyagoo loo adeegsanayo wanjalkan,( ee hore rikoodhkooda la ogaa farqigii u dhaxeeyay sanadkii 2010 iyo sanadkii 2011 uu dhamaa lacag $ 13 milyan oo doolarka marykanka ah) inagu cusub ee beelaysan, ayay wasiirkii ka dhaadhiciyeen waxaa kordhay 60 milyan, oo wasiirkuna meelwalba mariyay, iyagoo doonaya in la bedelo maamulka jooga kastamka kalabaydh si ay u keensadaan cid iyaga u shaqaysa siday ugu guulaysteen inay badelaan laanta abaarso kadibna iyagana ay isku xidhaan oo sidaa loo lunsado hantida umada, siraha cajiibka ah ee ka soo burqanaya wasiirka wasaaradda maaliyadda inuu hindise cusub uu ula tagay madaxtooyada oo uu leeyahay waxaan qaadanayaa 150 qof oo shaqaale ah, oo aan ka soo qaato jaamacaddaha dalka oo ay ii keenan xildhibaanada golaha wakiilada, shaqaalihii aqoonta iyo xirfadaba lahaana ee ahaa shaqaalihii dawladda waa wada tuug marka laga reebo mr.khadar indhaleeb oo aan doonayo in aan u magacaabo agaasimaha kastamka, ka dibna aan ka takhalusso inta kale oo dhan, waxaa la yaab leh shaqaalaha wasaarada maaliyadda iyo madaxdooduba waa isku wada beel intooda badani, sabab uu hadana u qorto shaqaale kale lama garanayo, iyadoo la leeyahay wasiirku wuxuu doonayaa cid isaaga ay isku beel yihiin iyo qaraabo oo uu keensado goobaha dakhli ururinta si uu u uruursado lacag badan oo kula tartamo hagaanka xisbiga kulmiye iyo doorashada madaxtooyada, iyadoo imika ay soo baxayso inay  u kordheen (mood iyo maalba) waxyaabo fara badani sida laga soo xigtay maamulka kastamka berbra iyo mr. khaddar indhaleeb iyaguna sabab u yihiin.

Aqoonyahan: Shaafici Maxamuud Cabdiraxmaan

Hargeysa/Somaliland

E-mail:shaafici_3@hotmail.com

Comments are closed