|

Siraha Qarsoon ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Wejiga Dhabta ah ee Wasiir Cabdicasiis Samaale! Qaybta 3aad: Qalinka Akhristaha

Qaybta Saddexaad: Qalinka Akhristaha

Soo jeedin:-

Waxaan u soo jeedinayana dhamaan culimada , aqoonyahanada , madaxada dalka ee kale duwan inay arrintaa wax ka qabtaan  oo wax walba loo maro sifihii sharciga ahaa, dadku waxay leeyhiin hay’adii shaqaalahii dawladda ayaan jirinba oo qabsanayn shaqadeedii iyo hanta dhawrkii guudba yuu la xisaabtami ma cidaan ahaynba shaqaale dawladeed oo sida shirkadaha gaarka loo leeyahay qof shaqaalaystay, waa yaabka yaabkiise.

Iyadoo wasiir samaale laga sugaayay in uu saxo  ama uu wax ka qabto, balse xaalkiisu ma wuxuu noqday( Ka Dar oo Dibi Dhal) sadex qodob oo kale ah:-

1.     In wixii saxnaa ee uu sameeyay wasiirkii hore  uu sii horamariyo.

2.     Iyo in hagaajiyo wixii uu khalday wasiirkii hore, sida dadkan aan shaqaalaha ahayn ee qaarkood xilalka agaasimayaasha iyo maamulayaasha loo dhiibay, iyo in cid waliba shaqadeeda qabsato sida xisaabiyaha guud ee ah hay’adda iyadu qaabilsan xakamaynta iyo koruqaadista dakhli dawladda iyo xakamayna kharashkaba, balse wasiirkii hore si badheedha ah uu u garab maray, iyo sidoo kale Hantidhawrkii Guud ee isaga meeshaba laga saaray ee u lahaa awooda sharciyeed, oo la yidhi kuuma baahnin hanti-dhawroow maadaama aynaan isku hayb ahayn adiguna waxbaad ka qaadata cida naga soo hor jeeda !!!! iyo  in uu ku dhaqmo xeerarka dalka u dajisan sidan:-

a.     Xeerka shaqaalaha dawladda.

b.     Xeerka Puplic Finance.

c.      Xeer ka hortaga ku tagrifalka hantida qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

d.     Xeerarka general accountant principles.

e.     Customs law,body of law, tacriff law, transit law iyo financial regulations and budget constitutions

3.     Wixii ka maqnaa systemka shaqo ee wasaaradda maaliyadda uu keensado.

Fiiro gaar ah:-

waxaa la yaab leh dadka qaar ayaa yidhaahda waxaana wasaaradda maamula wasiirkii hore, oo intaas oo jeer ay kulmeen oo uuna ku shaqaynayo khariidadihii hore ee khaldanaa ee uu ku socon jiray, waxaa la yaab leh shaqaalaha joogtada ahi tiradoodu wasaaradda maaliyadda waa 583, 470 waa beesha uu ka soo jeedo wasiirka wasaaradda maaliyadu, shaqaalaha aan ahayn shaqaalaha joogtada ah ee uu qoray wasiirkii hore 78  oo 65 ka mid ahi ay isku beel yihiin, halka shaqaalaha contractors ee qaata lacagta ay dhan yihiin 50, 45 ay isku beel yihiinn wasiirka wasaaradda maaliyadda, dhammaan dadka shaqaalaha ah ee ka shaqeeya wasaaradda maaliyadu  ee aan ahayn beeshiisa waa wada tuug, waxyaabaha cajiibka warbixinta uu soo diyaariyo mr.khadar indhaleeb cid aan ahayn isaga iyo wasiirkan uu abtiga u yahay mooye ma aragto, oo meeshaba waxaa laga saaray chain of command iyo qaabkii kala saraynta hiaraghy system ee ay lahayd wasaaraddu, ma oga wuxuu soo qoro agaasimayaasha waaxyaha kale, agaasimaha guud, xisaabiyaha guud iyo wasiiru dawluhuba, lama galiyo arkiifiyadda ay leedahay wasaaradda maaliyaddu, cidii wax laga qorayna wax warbixin ah laguma celiyo oo ay ahayd in cidaasi 3 miduun ku mutaysato, in la dalacsiiyo, la siiyo digniin iyo in la bedeloba.

Aqoonyahan: Shaafici Maxamuud Cabdiraxmaan

Hargeysa/Somaliland

E-mail:shaafici_3@hotmail.com

Comments are closed