Boorama 16.Jan 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Maalintii Shalay Waxaa u Bilaabmay Kormeer uu ku soo marayo qaar ka mid ah Gobolada dalka si uu ugu kuurgalo Xaaladaha Nabadgalyo iyo Nololeed ee Deegaamadaas.
Madaxweynaha ayaa Lugta Socdaalkiisa ka bilaabay Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gebilay Waxa uu uga sii Gudbay dhanka Gobolka Awdal,oo la filayay inuu xudun u yahay Safarkiisa maadaama ay Mudooyinkii u danbeeyay ay Gobolka awdal ka Jirtay Guux Siyaasadeed iyo dhaliilo loo soo jeedinayay hab maamulka Madaxweynaha taas oo ka dhalatay Tabasho ku aadan saami qaybsiga Awoodaha dalka si loogu sinaado khayraadkiisa iyagoo eedaymaha ka soo yeedhaya qaybaha bulshada ee reer awdal ay ku dhaleecaynayeen in madaxweynuhu uu waxba ka qaban waayay tabashadoodii taasina ay sabab u noqotay in mid ka mid ah Salaadiinta Gobolkaasi uu ku dhawaaqay inuu ka goostay Somaliland isagoo si cad uga hor yimid Masiirkii ay ummada Somaliland ku dhigteen Magaalada Burco isla markaana uu samaystay Maleeshiyo beeleedyo difaaca hadafkiisa.
Madaxweynaha ayaa la filayay inuu soo daweeyo arrimaha ay Saluugsan yihiin Hal doorka reer awdal ugu yaraana uu sheego qaabka uu u maaraynayo tabashadooda isla markaana uu dhagaysto sida ay u arkaan xalka lagu soo afjarayo jawiga is fahmi waa’a ee soo kala dhex galay iyaga iyo Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Waxaa Isaga iyo Weftigiisu ay gaadheen Magaalada Boorama Xili ay ku beegnayd Goor sheegta bariga Africa 7 Fiidnimo, Waxa uu Kulan Wax ka yar saacad Socday uu la qaatay Mas’uuliyiinta Heer Gobol,Mid Degmo iyo Laamaha amaanka, halka uu Sidoo kalena daqiiqado aad u Kooban uu Kulan gaar ah la qaatay Xubno ka mid ah Madax dhaqameedka Gobolkaasi,Siday Ilo ku dhowaa Kulankaasi u sheegeen Shabakada Qurbejoog.com Waxaa Wakhtigii yaraa ee kulanku socday laga wada sheekaysanayay Xaalada Gobolka iyo doorka hogaamiyeyaasha dhaqanka ka saaran ilaalinta nabadgalyada hasa yeeshee waxaa duqaydii uu Madaxweynuhu la shirayay fajaciso ku noqotay markii lagu wargeliyay 8 Habeenimo in Madaxweynaha iyo Weftigiisu ay Sii ambo baxayaan iyagoo ku Sii Jihaysan Degmada Togwajaale ee Gobolka Gebilay oo ay Xalay Seexdeen una hoydeen lana rajaynayo inay Saaka oo Jimce ah u sii dhaafaan Degmooyinka Alay baday,Faro weyne,Bali Cabane,iyo Xarunta Gobolka Hawd ee Magaalada Balli Gubadle.
Dadka Siyaasada u dhuun daloola ayaa ku doodaya in Socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo ee Boorama inaanu ahayn Mid ka Turjumaya Xaalada ka aloosan Gobolkaas isla markaana ay amuurtani fursad Wanaagsan siinayso Siyaasiyiinta ka soo hor jeeda Qaranimada Somaliland.
Muuqaalkani waxa uu yahay Kii Weftiga Madaxweynaha laga Duubay Markii ay Tageen Degmada Baki.
Boorama SDN/QJ
