|

Somalia Maxay Ka Tiri: Goofafka Ama Dhulka La Isku Haysto

Waxaa ayaantaan websiteyada iyo khadadka Internetka qaar ka mida la isla dhex marayey Video gabar Soomaaliyeed oo ka codsanaysa madaxda dowlada federaalka, madaxda dowlad goboleedyada hada jira iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed in ay ku garab siiyaan sidii dhul ka maqan ay u soo ceshan lahayd. Sida ku cad waraysiga ay bixisay, waxay sheegtay in uu dhulkeeda si xoog leh ku haysto nin ka mida madaxda sare ee Waaxda Socdaalka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, sida websiteyada qaarkood ay daabaceen, waxaa iyadana mudan in la xuso in ninka lagu eedeeyey in uu dhulka gabadadha xooga ku haysto uu wariyaha caanka ah: Yusuf Garaad u sheegay in uu asigu sheegayanayn lahaashaha dhulka, uuna diyaar u yahay in uu wareejiyo booska hadii mulkiilaha si sharci ah loo cadeeyo.

Arimaha dhulka iyo buuqa ka taagan, waa waxyaabaha laga dhaxlo marka uu wadan ka dhaco dagaal sokeeye. Hase yeeshee, waxaa iswaydiin mudan: sideen ku xalinaa arimahaan murugada leh iyada oo la inkirayn in aan ay u baahantahay hanti iyo nadhaam dowli ah oo lagu kala furdaamiyo dhulka la isku haysto?

Hadaba waxaa la gudboon madaxda dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaga oo isku duuban in ay arintaan u xilsaaraan hay’ad u gaara oo ka shaqaysa soo celinta hantidii la dhacay markii uu dagaalkii sokeeye bilowday sanadkii 1990kii.

Marka aqristow waxaa suurtowda in aniga, adiga iyo dad badan oo Soomaaliyeed uu dhulkoodi ka maqan yahay, ha ahaado mid inta la dhacay, qof kale laga iibiyey ama dhul xoog weli lagu haysto, lagana saari la’yahay dadkii xooga ku qabsaday maalintii uu dhagaalka sokeeye bilowday iyo ilaa maantay (saacadaan aad aqrinayso qoraalkaan). Sidoo kale, waa arin qurbojoogta wadankooda ka qaxay ku ah murugo kale oo ay aysan filayn madaama ay ku haminayeen in markii ay soo laabtaan in ay dhulkoodii loo celin doono.

Maanta waa ALLAHA wayn mahadiis in aan leenahay dowlad Federaal ah oo Soomaali oo dhan ka dhaxaysa, dowlad goboleedyo leh maamul hana qaaday iyo kuwo la filayaa in lagu dhawaaqo dhawaan (sida shirarka ka socda Gobolada dhexe iyo koofurGalbeed na barayaan), hadaba inta ay goori goori tahay waxaa muhiim ah in arintaan wax laga qabto si ay u soo celiso rajad iyo fikirkii ahaa isu soo celinta umadda Soomaaliyeed ee kala tagay si ay isu aaminaan, iyo dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed ee uu wiiqay dagaalkii sokeeye, oo ku salaysan geedi socodka nabada.

Waxaa soo aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” – oo wax ka qora arimiha Soomaalida oo degan Minneapolis, ee gobolka MN – junlay99@aol.com.

Comments are closed