Muqdisho:June,10,2014(SDN/QJ)-Dawladda federalka ah ee Somalia ayaa iyaduna dhinaceeda ku dhawaaqday inay qaadacday Shirka Dalka Sweden Maanta ka Furmaya ee lagaga Wada Hadlayo Arrimaha Ganacsiga, waxana ay ku Biirtay Somaliland ooh ore u qaadacday ka qaybgalka Shirkaas.
War saxaafadeed ay si wada jir ah ay usoo saareen wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo rugta ganacsiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkan oo ah mid muhimad weyn ugu fadhiya sidii loo dhiirri-gelin lahaa ganacsiga Soomaaliya, dunidana loogu soo jeedin lahaa ganacsatada adduunka, isla markaana loo caawin lahaa ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed uu noqdey mid la marin habaabiyey isla markaana kooxo doonaya inay u adeegsadaan musuqmaasuq iyo tahriibin dad sharci daro ah ay afduubteen dhamaan ujeedooyinkii shirka laga lahaa.
Waxa warsaxaafadeedkan lagu sheegay in shirkani Noqday mid loo Adeegsanayo dano gaar ahaaneed si lacag looga abuuro tahriibinta dadka aan ganacsatada aheyn ee loo daabulay shirka iyaga oo laga dhigaayo ganacsato rasmi ah oo howlo ganacsi ka haya dalka.
Haddaba wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay mowqifkeeda rasmiga ee shirka ay ku qaadacdey ay gudbisey dowladda Sweden iyo Safiirka dowladda Sweden ee dalka Soomaaliya Mana jirto cid ka mid ah dowladda Soomaaliya oo shirkaas ganacsiga ku mataleyso dowladda Soomaaliya.
Sababaha ay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya iyo Rugta ganacsiga Soomaaliya ay ku qaadaceen shirka waa sababaha soo socda:
1. Waxay ahayd in ganacsatada Soomaaliyeed oo ku urursan Rugta Ganacsiga intooda badan, wada-shaqayn dhab ahna ka dhaxayso wasaaradda ganacsiga in si wada-tashi leh uu u hoggaamiyo wasiirka ganacsiga, taladoodana ay urursan tahay.
2. Ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed dhexdooda saameyn kuma laha siyaasadda la isku haysto oo ganacsiga iyo ganacsatadu xuduud ma leh, gobol walba ayayna hantidoodu tallaa; marka in loola dhaqmo sida siyaasadeysan oo magacyadaas lagu casuumo nalama aha.
3. Ajandaha waxaa ka maqan ganacsiga Soomaalidu waqtigan xaadirka ah ay ka midho-dhalin karto sida xoolaha, kalluumaysiga iyo beeraha, dhaqan ganacsi soo jireen ahna ay u leedahay.
4. Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga caawiyo – Institutional Building – kuwa hadda jira, lana garab-galo, ganacsiga gaarka loo leeyahayna waa meesha kaliya ay Soomaaliya ka nooshahay, in la sii adkeeya maahane nalama aha in ay caawineyso in si is-barbar-yaac ah lagu caawiyo.
5. Ugu dambeyn, isla markaana ah tan ugu muhiimsan waxay ahayd si dowlad-wanaagga la caawiyo, waxay ahayd in wasaaradda ganacsiga kaalin buuxda ku yeelato qaban-qaabada shirka, ajandaha, ka qayb-galka iyo qaabka ganacsatada loo dhiirri-gelinayo, taasina ma dhicin.
6. Wasaaraddii ganacsiga iyo warshadaha shirkii kama qayb-galayso, talana kuma laha, sidaa darted annagoo tixgelinayna dowlad-wanaagga iyo dhisidda hay’adaha ganacsiga, waxaan nala haboonaatay inaanaan ka qayb-gelin shirkaas haddii aanay wasiirka iyo wasaarada ganacsiga iyo ganacsatada oo wadajira aanay ka qayb-galeyn shirkaas.
Somaliland ayaa iyaduna Maalmo ka hor qaadacday ka-qaybgalka shirkaas soomaalida ganacsigeeda khuseeya, waxana tallaabadaas ku hambalyeeyey xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.
Shirkan ayaa maanta si rasmi ah ugu furmaya Dalka Sweden, waxana cidda abaabulaysa ee Gacanta ku Haysa lagu eedeeyey inay Majaro-habaabisay ujeeddadii iyo Hannaankii loo qoondeeyey in markii hore loo abaabulo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
