|

Somaliland oo Fure Cusub oo Isgaadhsiineed Kana Madax Bannaan Somalia u Raadinaysa Shacabkeeda DAAWO

Hargaysa 16. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli C.laahi Suufi  ayaa sheegay inuu raadinayo fure ka duwan midka Somaliya ee 252 kaas oo ah furaha Dalka Somalia.

Wasiirka ayaa sheegay sidoo kale inuu raadinayo Simcad u gooni ah Soomaaliland iyo fure u gaar ah oo wadanka Africa ah uu isticmaali karo kaas oo looga wareegayo kan Soomaaliya.

 

Wasiir ka ayaa sidoo kale  sheegay in qorshahiisa ugu weyn yahay in Somaliland aysan waxba la wadaagin Soomaaliya dhinaca Isgaarsiinta oo ay ka maaranto.

 

Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay kulan ka dhacay magaalada Hargaysa kaas oo kalsoonida lagu siinayey golihii wasiirada ee dhawaan lasoo magacaabay.

Comments are closed