|

Wasiirka Warfaafinta Puntland Oo Ka Hadlay Xiisada Ka Taagan Dhulka u Dhexeeya Puntland Iyo Somaliland DAAWO

Garowe 16. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Punt land oo Kulan saxaafadeed ku qabtay Magaaladda Garowe ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan Somalia in 65% ay ka timaado dhanka Somaliland waxa uu Wasiirkani sheegay in Mushkilada ka haysta Buuraha galgala iyo Alshabaab 85% ay Somaliland qayb ka tahay.

Waxa uu Wasiir Qarjab ku dooday in Sababta ay Somaliland Ciidankeedu u qabsadeen Degmadda Tuko-raq ee Gobolka Sool ay la Xidhiidhay sidii ay u Khal-khalin lahaayeen Booqashadii uu Madaxweyne Farmaajo ku tegay Deegaanadda Maamul Goboleedka Somalia ee Punt land Waxaanu sheegay in Ciidanka qaranka Somaliland uu dhibaato u gaystay dadka deegaanka tuko-raq isagoo xusay in Somaliland ay doonayso inay bulsho aan rabin xoogan ku qabsato.

Comments are closed