|

Khilaaf Xooggan Oo Ka Dhex Qarxay Shirguddoonka Wakiillada Iyo Guddoomiye Cirro Oo Go’aan Keligii Gaar u ah Ku Celiyey Warqaddii Madaxweynaha Ka Timi

Hargeysa:Sep,07,2015(SDN/QJ)-Khilaaf xooggan ayaa ka dhexqarxay shirguddoonka Golaha wakiillada Somaliland,  waxana siyaabo kala duwan khilaafkaas uga Hadlay Guddoomiyaha Golaha Mudane Cirro iyo Labadiisa Ku-xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf, kuwaas oo isku eedaynayo Go’aan uu Guddoomiyuhu  dhawaan gaadhay.

ferGuddoomiyaha Wakiillada Mudane Cirro oo saaka aroortii hore saxaafadda Kula Hadlay Xarunta Golaha, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha dib ugu celiyey warqad uu dhawaan Golaha usoo qoray oo uu ku diidayey qaraar Goluhu hore uga gaadheen Wareejinta Haamaha shidaalka Berbera, waxana uu ku andacooday inuu arrintaas Guddoomiye ahaan xaq u leeyahay.

Dhinaca kale kalena Labadiisa ku-xigeen oo iyaguna si gaar ah saxaafadda ula hadlay, ayaa sheegay in Guddoomiyahoodu maroorsaday shaqo ay wada lahaayeen, isla-markaana aanu keligii xaq u lahayn inuu gaadho Go’aanka Warqaddaas madaxweynaha uu dib ugu celiyey.

Labada Ku-xigeen oo wajiyadooda cadho  badani ka muuqatay, ayaa tilmaamay in celinta warqaddaas dhinaca madaxweynaha lagu celiyey aanay sax ahayn, isla-markaana Guddoomiyaha ay ku khasbi doonaan inuu arrintaas Golaha soo dhex dhigo.

Warkan oo faahfaahsan goor dhaw filo.

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed