|

SOOL: Muuse Biixi & Khudbadiisii Kala-baydh iyo Dharkeyn-geeyo DAAWO

Kala Baydh 12. August 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbal-xaakimka KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey inuu jecel yahay in la helo Somaliland wax wada yeelata oo horumar samaysa. Waxaannu tilmaamay inaanay Jamhuuriyadda Somaliland ka maarmin bulshada ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag bari.
Guddoomiye Muuse Biixi, waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad aad loogu guuxay oo uu u jeediyay dadweynaha ku dhaqan degmada Kala-baydh ee gobolka Sool oo weftigiisa si layaab leh loogu soo dhaweeyey maanta.

Waxa kaloo uu ku booriyey bulshada deegaankaas inay qaataan kaadhadhka codbixinta isla markaana doorashada ka qaybgalaan.

“Walaaleyaal Somaliland idin kama maaranto (Reer Sool), taladiinna, cuddudiina, dhaqaalihiina iyo wax wada lahaanshahana lagama maarmo. Ma nihin dad idin leh haddii la sheegayo qoladayada ka soo jeeda SNM, haddii aanu leenahay Soomaali baanu neceb nahay, dee markaas idinkaa saxan, Soomaali ma necbine waar Soomaali waannu ku dhaadanaynaa. Soomaali shantii la isla doonayey kuwii ku dhintay ee soo ururiyay dadkii SNM aasaasay bay ahaayeen. Waxaannu isla eegaynaa sidee bay Soomaaliyi Soomaali ku noqonaysaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “26 sannadood ayaa la lahaa Soomaaliya way middaysan tahay, maxaa la mideeyaa, Xamar waxa ka dhacaya waynu ognahay maalin iyo habeenba ilaahay ha ka saaro waa walaaladeen innagay (Somaliland) gurmad innooga baahan yihiin, laakiin iyagana caqliyadii ayaa ka maqan ay odhan lahaayeen waar dawladii Ingiriisku ka tageyna (Somaliland) sideedii ha noqoto, annagana noo soo gurmada oo haddii aynu dib u wada hadalayno innagoo labadii dawladood ee hore u midoobay ah aynu heshiis hor leh aynu wixii aynu wada lahaanayno ka wadahadalno. cid maanta Soomaali diidan ama ku duulaysaa ma jirto.”

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu xusay inaan bulshada ku dhaqan Sool iyo Sanaag-bari Somaliland ka maarmin, waxaannu yidhi; “Waxa jirta dad aan aragti dheer lahayn oo meel dhexe oo gaaban wax ka wada, waxay yidhaahdaan qolada SNM waxay doonayaan meel ay iyagu ku badan yihiin (majority), waar xaggee ayuu Harti maynooriti ku noqday (minority), miyaanay niman Daarood ah ahayn? Miyaanay Soomaali badhkeed ahayn. Xagee baad uga baqaysaan in la idinka bato inaad idinku ka talisaan mooyaane. Waxaan taariikhdan u soo qaadanayaa waxaannu doonaynaa oo mabda’eenna ah oo Somaliland ku dhisan tahay, inaynu Somaliland marka hore dhisno, intii Ingiriisku ka tagey inaynu dib u dhisno, inaynu wax wada qabsanno oo aynu horumar samayno oo aynu walaalaheen u gurmanno oo aynu dawladaha dariskeenna ahna walaaltinimo ku wada noolaanno oo aynu colaadaha iyo cidhiidhiga ka baxno ra’yiga aanu wadnaa waa kaas uun. Wax naga qarsoonina ma jiro,laakiin shaki idinkuna cidla ha ugu dhimanina, annagana dhankiinna yaaney dhaxani naga soo gelin.
Ma nihin dad Soomaali neceb, ereygaas aad baan ugu noqnoqonayaa, waayo waa ereyga marka aanu meelahan nimaadno nalagu yidhaahdo.”
Guddoomiye Muuse Biixi waxa bulshada gobolka Sool ugu baaqay inay kaadhadhka codbixinta qaataan, doorashadana ka qaybgalaan; “Arrinta maanta joogta waxa dawladda cusub la dooran doonaa laba bilood iyo badh kadib, wanaaggu wuxuu ahaa inaad isdiwaan-gelisaan.
Maahmaah aan maalin horena Laascaanood ka sheegay oo nin Saciid Khaarajiye la odhan jiray oo deegaankan ahaa oo millatariga ahaan jiray ii sheegay mar aanu Taleex u nimid hawlihii daraawiishta ayaa yidhi “Nin baa dhoofay deegaankan ahaa oo Markab raacay oo badmareen (Sea man) noqday oo Chine ayaanu ka degay, China ayuu soo maray oo wuu ka yaabay, wuu soo noqday oo Laascaanood buu yimid.
Chine ayuu ka sheekeeyey tiradooda oo uu la yaabay, oday caanihiisa ka dhergay oo jiifa ayaa yidhi ‘Waaryaahe ninkan China ka waramayow, Shiinuhu shir-shoore miyuu ka badan yahay’ waar faankaas haddii aad soo dayn lahaydeen oo aad codka qaadan lahaydeen, Somaliland-ba waxaad odhan lahaydeen maxaanu wax idinka siinaa? Ilayn cod baa lagu kala baxayaaye, qabiil laguma kala baxayee. Waxaan rajaynayaa inay Somaliland wax wada yeelato. Waxaan ku soo gabogabaynayaa kaadhadhka qaata doorashadana ka qaybgala,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Md. Muuse Biixi waxa uu tafaasiil ka bixiyey kaalintii waxgaradkii, siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka reer Sool ay ka soo qaateen halgamadii kala dambeeyey ee Somaliland soo martay oo ay ka mid ahaayeen gobanimo doonkii,dib u xorayntii, dib u dhiskii iyo nabadeyntii Somaliland.

Comments are closed