|

Soomaali ka dhooftay Talyaaniga oo Norwey gaadhay iyagoon sidan wax aqoonsi ah

Halden Nov 29,2012(SDN)-Soomaali aan sidan wax waraaqo aqoonsi la socotay duyuurad laga leeyahay dalka Ireland oo ka soo duushay dalka Talyaaniga ayaa gaartay Bariga dalka Norway.

Soomaalida oo tiredoodu ay aheyd 70 ayaa la socday duyuurada Ryanair oo ay ka soo raaceen magaalada Palermo.

Duyuurada oo caga dhigatay gegida duyuuradaha ee Moss Rygge ayaa shaqaalahu waxa ay duyuurada ka heleen Baasabooro la jarjaray oo qashinka la dhigay.

“Waxa ay na soo gaareen iyaga oo aan sidan waraaqo aqoonsi,shaqaalanaha nadaafada ayaa duyuurada ka soo guray Baasabooro la jarjaray”sidaa waxa saxaafada u sheegay sarkaal ka tirsan laanta socdaalka ee Moss Airport Rygge oo la yidhaa Andres Lia.

Madaxa xarun Soomalaidu ku leedahay magaalada Halden Maxamed Cabdi Dahir ayaa isna saxaafada u sheegay in mar uu la hadlay qaar ka mida soogelootiga in ay u shegeen in ay Talyaaniga ku noolaadaan in ay u dhaanto iyaga oo isaga noqda dalkooda dagaaladu ka socdaan.

Saxaafada Norway ayaa si weyn u hadal heysa Soomaalidan aqoonsi la’aanta ku soo gashay Norway.

SDN-Halden

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed