|

Soomaalida ku nool magaalo ku taal Sweden oo xaaladoodu ka sii darayso

Forserum aUG 31,2012(SDN)- Soomalida ku nool magaalo ku taal dalka Sweden ayaa waxa faro baas ku haya kooxo burcada oo ka soo horjeeda joogidooda dalkaas iyo magaalada Forserum.

Kooxahan ayaa kordhiyay weeraro lagu beegsanayo dumarka iyo caruurta magaaladaas ku nool,iyada oo ujeedadu tahay in Soomaalida magaaladaa laga saaro.

Dhacdooyinka naxdinta leh ee maalmihii u danbeeyay la soo wariyay waxa ka mida in haweeney soomaali ah lagu shubay caano si loogu ekeeysiiyo cadaan,dumar laga xayuubiyay xijaabkii ay xiraayeen iyo qaar candhuuf lagu tufay.

Sidoo kale waxa la shiidaa aqalada iyo meheradaha Soomaalida ee magaaladaasi,waxaan jirin cid wax ka qabatay arrimahan is biirsaday.

Soomaalida iyo dawlada hose ee magaaladaas oo ay weheliyaan ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waday kulamo la iskula eegayo sida u macquulsan ee xaalada loola tacaali karo.

Soomaalida ayaa ciidamada Booliska ee magaalada Forserum ku eedeeyay in ay iska dhego tireen eedo ay ka booliska u guddbiyeen oo dhacdoooyinkan ka warbixinayay.

Booliiska ayaa dhankooda isku difaacay in ay jiraan isfaham la’aan dhanka luuqadaha ah balse ay iminka ku hawlan yihiin wax ka qabashada xaaladan.

Soomaalida ku nool magaaladaas ayaa haatan ka fiirsanaya in ay halkaa ku sii noolaadaan iyo in kale,halka qaar kale oo faro badani ay hore uga guureenba.

SDN-Forserum

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed