|

Maxamed Cali Samatar oo aqbalay in uu magdhaw siiyo dhibaneyaal dacwad ka helay

Virginia Aug 31,2012 (SDN)- Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa goaan ka soo saartay dacwad lagu soo oogay wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya Maxamed Cali Samatar oo todoba dhibane ay ku eedeeyeen in uu amray tacadiyo loo geystay.

Maxkamada ayaa Gen Cali Samatar ku riday xukun ah in uu magdhaw siiyo todoba dhibane oo u heysta dhibaatoooyin kala duwan oo gaaray xili sideedamaadkii uu ahaa raiisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirka difaaca.

Cali samatar ayaa hore u dafiray eeda loo jeediyay, isla markaana shaaciyay in uu musalafay oo aanu lahayn hanti uu isku difaaco.

Gen Cali Samatar ayaa haatan ogolaaday in uu bixiyo magdhawga maxkamadu ku xukuntay oo ah $21 million oo dollar oo Maraykan ah.

Waxa aan ilaa iyo haatan aan wax war ah ka bixin goaanka maxkamada iyo ogolaashaha Cali Samatarba todobadii dhibane ee eedan ku oogay raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya.

 

 

Comments are closed