Minneapolis May12,2012(SDN)-Soomalida ku nool magaalada Minnesota ayaa maanta dibedbax iyo qaadacaad isu raaciyay Baananka la yidhaahdo US Bank iyo Fargo oo labaduba ka maagay in ay fududeeyaan lacagaha dalkii loo diro.
Soomaalida gobolkaa oo kaa shanaya dadka reer Latin America ee gobolka ku nool ayaa banaabaxyo ka horsameeyay Bananka.
Sidoo kale Soomaalida ayaa xidhay dhamaan xisaabihii ay baanakaas ku lahaayeen si ay u muujiyaan cadhadooda ku wejahan la macaamilka Xawaaladaha.
Hindia Cali oo ka tirsan ururka u dooda xuquuqda Soomaalida Minneapolis ee Somali Action Alliance oo saxaafada u warantay ayaa sheegtay in xisaabteeda ka wareejineyso Wells Fargo oo ay geyneyso credit union.
“Wells Fargo lama sheqeyneyso cidii aanu qoysaskeena u sii marin laheyn quutul daruuriga,markaa micno inoma sameyneyso in aanu lacagtayada u dhiibano”ayay tidhi Hindia Cali.
Ilaa kun kale oo xisaabtoodu taalo Bananka ayaa qorsheynaya in ay xisaabahooda Wells Fargo iyo US Bank ka wareejiyaan.
Mudo sanad ka badan waxa gobolka Minneapolis ka taagnaa doodo ku saabsan lacagaha Xawaaladuhu diraan oo Mareykanku ka baqo qabaan in argegixisada lagu caawiyo.
SDN-Minnesota
