Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo gaadhay Boorama

Hargeysa, 12, May 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Md.  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa socdaal ku tagey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Socdaalkan Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa la xidhiidha sidii uu xadhiga uga jari lahaa wado laga hirgeliyay inta u dhexaysa deegaanka Dilla iyo Boorama, isla markaana uu dhagax-dhigo mashaariic cusub oo laga hirgelin doono deegaanadaas.

Madaxweynaha ayaa la filayaa xadhig ka jarista wadada ka dib inuu kulamo la yeesho waxgaradka iyo odayaasha deegaannada Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama.

SDN, Hargeisa