London 04March13 (SDN)Waxa caawa habeenkii Jimcaha oo ku beegnayd 2.3.13 ka dhacday badhtamaha London casho sharaf ah soo abaabuleen ururka SSUK iyo Dumarka Bariga magaalada London, kulankan casho sharafta ah oo ay kasoo qaybgaleen, Salaadiin,Haween,dhalinayro, qaar ka mid ah ururadda bulshada. Waxa kale oo kulanka goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah ururka Horumarinta gobolka togdheer ee dhawaan London lagaga dhawaaqay.
Ugu horeyn waxa hadalka qaybinaayey Maxamed Bashe oo mahadnaq ka dib kusoo dhaweeyey gudoomiyaha SSUK Cabdale Saalim oo aad ugu mahadnaq Haweenka iyo marti sharafta kale ee caawa nagala soo qaybgalay madashan aan kusoo dhaweynayno labadan xildhibaan ee kala ah Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) iyo Maxamed Xaji Yuusuf Maxamed ( Wabeeyo) waanad ku mahadsan tihiin inaad nagala soo qaybgashaan.
Ugu horeyntii waxa aay aad ugu mahadnaqeen ururka SSUK iyo Hablaha Bariga London casho sharaftan ay noo sameeyeen.Waxa kale oo labada xildhibaan ay aad ugu dheraadeen ujeedadooda ay u yimadeen dalkan Ingiriiska oo ku taxaluqda in ay uga waramaan xaaladda guud ee dalku ku sugan yahay iyo inay shacabka reer Somaliland ee dalkan degan gaar ahaan reer Togdheer inay ka qayb-qataan qorshaha dib u dhiska garoonka diyaaraddaha ee Burco oo ay doonayaan in ay mud u hawl galiyaa.
Xildhibaanadu waxa ay sheegeen inay shirar badan oo ay la yesheen cashabka reer Somaliland ay uga xogwarameen qorshahooda ku aadan dib u dhiska dalka gaar ahaan gobolka laga soo doortay,aadna ugu mahadnaqay sida wacan ee losoo dhaweeyey,Waxa kale oo ay sheegeen inay si i wadi doonaan wacyi galinta iyo la kulanka shacabka reer togdheer ee dalkan degan si ay u gadhaan hawafkooda ku aadan sidii uu u hirgali lahaa Madaarka Burco.
Waxa kale oo ay shacabka reer Somaliland kula taliyeen inay nabada ka shaqeeyaan iyo dib- u dhiska dalka,iyo isku duubnaantiina oo aad u muhiim ah,Waxa sidasoo kale carabka ku dhufteen inay muhiim tahay in xildhibaanku uu meesha uu kazoo baxo uu hour markeeda ka shaqeeyo tasoo ah wax aad u muhiima.
Waxa kale oo iyana ka hadlay qaar ka mid ah Haweenka Bariga London oo iyana aad usoo dhaweeyey kuna balan qaaday inay la shaqeyn doonaan xildhibaanada iyo dedaalka ay wadaa.
Suldaan Maxamuud Xaji Xuseen oo ah Suldaan degan Dalkan Ingiriiska aadna looga yaqaano dalkan uu sidasoo kale mahadnaq usoo jeediyey ururka SSUK iyo Haweenka Bariga London oo casho sharaftan kusoo dhaweeyey Xildhibaanada, waxa uu aad ugu amaanay xildhibaanada dedaalka ay wadaan eek u saabsan sidii loo dhisi lahaa Madaarka Burco,waxa uuna kula taliyey shacabka reer Somaliland gaar ahaan reer burco inay la shaqeeyaan ,sidaasoo kale ay soo dhaweeyaan ururka dhawaan London lagaga dhawaaqay ee loo bixiyey URURKA HORUMARKA GOBOLKA TOGDHEER.
Waxa lagula talinayaa dhamaan shacabka reer Somaliland gaar ahaan kuwa reer Togdheer inay dedaal dheeraada muujiyaan sidii ay taakuleyn uga geystaan lahaayeen dib-u dhiska madaarka Burco…Hadii aad doonayso inaad caawimo ka sameyso waxa lagaa codsanayaa inaad Accounka hoos ku qoran kusoo dirto wixii aad bixin karto oo kuu noqonaysa Ajar aad geysatay.
ACCOUNT MADAARKA BURCO DAHABSHIIL.. 9166
qurbejoog
London















