Uncategorized

Kulan lagu dejinayo Qorshayaasha Waxqabad ee 3 Sanno ee soo Socda ee Gobolka Awdal oo ka furmay Magaalada Boorama

Hargaysa 03.March (SDN)    Agaasimaha Guud ee wasaarada Qorsheenta Qaranka  ayaa Maanta Uga  Furay  Magaalada  Boorama Aqoon isweydaarsi ay ka qayb qaadanayaan  Isku duwayaasha Laamaha Dawlada kaas oo lagu dejinayo Qorshe hawleedka Mudada Sadexda Sano ee Soo Socda iyo Xog Ururin lagu Ogaanayo baahiyaha bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Md. Cabdirashiid Axmed Guuleed oo ayaa Sheegay in Qorshahani uu lagama maarmaan u yahay Qorshayaasha loo baahan yahay in Wax laga qabto,iyadoo lagu Salaynayo sida uu yidhi Sida ay Mudnaanta u kala leeyihiin baahiyaha aasaasiga ah ee  bulshadu rabto in wax laga qabto.

Agaasimaha Guud waxa uu Cadeeyay in dhamaanba hay’addaha Gobolkaas ku sugani ay ku Khasban yihiin inay ku Shaqeeyan Qorshaha ka soo bixi doona Kulankan afarta Cisho Socon doona isla markaana ay soo saari doonaan buug lagu soo wada koobo wixii baahi ah ee Jira.

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal ayaa dhiniciisa ka Waramay faa’iidada uu Qorshahani ugu fadhiyo Gobolka Awdal waxaanu kula dardaarmay ka qaybgalayaashu inay si fiican u darsaan Waxyaabaha looga baahan yahay .

hargeysa@qurbejoog.com
Hargaysa SDN.