|

“Xukuumadda Maanta shaqaysaa waxay ku shaqaysaa SNM oo kuma shaqayso Somaliland SNM-na waxay dhashay….” Xildhibaan Gacan

Hargeysa:Aug,31,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo Ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee somaliland iyo Arrimaha kasoo cusboonaaday Deegaanada Bariga Dalka.

obsiiyeMudane Axmed Muuse Obsiiye (gacan)oo Maalintii shalay ka Hadlay Dood Golaha Guurtidu ka yeeshay Xaaladda Dalka, ayaa sheegay in shirarka  dhibaatada keenay ee lagu qabtay Bariga Somaliland, isla-markaana lagu unkay Maamullada Somaliland dagaalka kula jiraa ay yihiin qaar laga soo abaabulayo dalka dibaddiisa oo loo baahan  yahay in Meesha ay kasoo maaxanayaan loogu tago.

Mudane Obsiiye waxa uu soo jeediyey in nabadgelyada Somaliland meel fiican marayso, balse loo baahan yahay in Goobaha shirarkaas laga soo abaabulayo Xalkoodii la raadiyo oo Siyaasidda Arrimaha Dibadda la toosiyo,

“Shirarkaas la wado waxa laga keenayaa Dibada, Shir aan dibadda laga soo abaabulin gudaha lagama abaabulo, Nabadgelyaduna way wanaagsan tahaye yaan la isku dabakhin nabadgelyadu waa Halkeeda, laakiin siyaasadii arrimaha Dibadda waa la inagaga Adkaaday.” Ayuu yidhi Axmed Muuse Obsiiye.

Xildhibaan Obsiiye, waxa uu tilmaamay in dagaalkan xilligan Somaliland lagula jiraa ay kaw ka tahay siyaasad xumo dhinaca dibadda ah, isla-markaana saaxiibadii hore ee Somaliland caalamka ku lahayd Haatan la safan yihiin cadawgeeda, waxana uu yidhi,

“Caalamku inaad wax gashato, saaxiib ku yeelato, wax u sheegto, cid kuu doodda ku yeelata ayaa meesha ku jirta, caalamkana ingiriiskaa inoogu dhawaayoo intuu guuray buu  tegay xamar ka inaganala dagaallmayana isagaa kow ka ah.”

Waxa uu xildhibaanku intaas ku daray  in lasoo maray xilli madaxweynayaashii Somaliland lagu soo dhaweyn jirey Baarlamaanka Ingiriiska, halka Maanta Somaliland gaadhay heer ingiriisku ku dhawaaqo inay kasoo baxdo Goobo ka mid ah Xuduudeeda, waxana uu yidhi,

“Waxa jirtey wakhtiyo dawladihii hore ay jireen oo Baarlamaanka ingiriiska laga soo dhaweynayey madaxweynaheena, Maantana  Wakiilkii ingiriiska, kii maraykanka iyo kii Qaramada midoobayba waxay ku dhawaaqeen Somaliland inay ku khaldantay saax-dheer gelitaankeeda, saaxdheerna dalkay ka mid tahay oo xuduudaynu leenahay yurubna iyadaa samayay xuduudaha, markay leedahay way ku khaldantayna waa ujeeddo gaar ah.” Ayuu yidhi Xildhiba    Obsiiye, waxana isagoo Hadalkiisa sii wata uu sheegay inay guuldarraysatay siyaasadii arrimaha Dibadda Somaliland,

“In somaliland la kala jaro oo la googooyo oo sida xamar laga dhigo oo gobollo loo sameeyo oo nabaddu xumaato ujeeddadu taas weeyee markaa haddaynaan caalamkii cid aynu nidhaahdno waar maanta waxaasu idiinka Baahanahee nala qabta aynaan lahayn waa la inagaga adkaaday.”

Mudane Axmed Muuse Obsiiye, waxa uu talo ahaan kusoo jeediyey inay si meesha looga saaro Guuldarrooyinka ka muuqda Siyaasadda Arrimaha Dibadda loo Baahan yahay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda loo dhiibo cid kasoo jeedda Beelaha Darafyada, isla-markaana loo Baahan yahay in xukuumaddu Meesha ka saarto siyaasadeeda ku kooban Halgankii SNM, sida uu hadalka u dhigay, waxana uu yidhi,

“Waxan leeyahay Somaliland waa labada hareerood, calooshuna waxba ma ahee wasiirul-khaarajiyaha halla Bedello oo labada Hareerood hallaga dhigo. Waxanu leenayay bahasha yeynaan isku soo koobin oo xidh yar oo  la yidhaahdo SNM yeynaan ka dhigin xukuumadda Maanta shaqaysaana waxay ku shaqaysaa SNM kuma shaqayso Somaliland SNM-na waxay dhashay Somaliland.”

Hadalkan mudane Obsiiye, ayaa kusoo Beegmaya xilli dhawaan Qaramada Midoobay, midowga Yurub iyo Maraykankuba si wada jir ah ugu dhawaaqeen in loo baahan yahay inay Somaliland kasoo Baxdo Deegaanka Saax-dheer, iyadoo wasaaradda Khaarajiguna aanay wali wax hadal ah kasoo saarin dhawaaqa Beesha caalamka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed