|

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo Luuqadii ugu adkayd falceliyey Hadal dhawaan ka soo Yeedhay Suldaan Xasan Suldaan C.laahi Shakina geliyey Saldanada uu Magaceeda Sito DAAWO

Hargaysa 18. January 2018 (SDN/QJ):-Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida isla markaana ah Suldaanka Guud ee Beesha Gobolka Gebilay ayaa si adag u dhaliilay Hadal dhawaan ka soo yeedhay Suldaan Xasan Suldaan C.laahi Suldaan Cabdiraxmaan.

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo Maanta u Waramayay Warbaahinta Caasimadda Hargaysa ka hawl gasha ayaa Shacabka Somaliland ka raaligeliyey Hadalka xanafta leh ee sida uu yidhi ka soo yeedhay Suldaan Xasan oo uu sheegay inuu qaybinayo Ummada Somaliland isla markaana dib ugu celinayo tartan Xisbiyo oo la soo dhaafay,Waxaanu xusay in Waxqabadka Madaxweyne Muuse Biixi aan Qabyaalad lagu qaybin Karin isagoo intaas ku daray inuu Madaxweynaha laftiisa ka raaligelinayo hadalka Suldaan Xasan,Waxaa kale oo uu sheegay inuu u arko in hadalkaasi uu Xukuumada ku wajahnaa oo uu carqalad ku ahaa.

 

Waxa uu Suldaan Ismaaciil Suldaan C.raxmaan Shaki geliyey Magaca Saldanada uu huwan yahay Suldaan Xasan waxaanu sheegay in aanu xitaa naftiisa mas’uul ka ahayn isla markaana aanay jirin Goob lagu caleemo saaray.

Comments are closed