|

Maxay Heesta Barbar Caan Ku Noqotay Oo Ay U Dhalisay Xamaasad? DAAWO

Hargaysa 20. January 2018 (SDN/QJ):-Fanka waa qayb ka mid ah nolosha Soomaalida, balse heesta Barbar way ka duwan tahay kuwii hore. Sanad kasta waxaa lasoo saaraa boqollaal heesood oo qaarkood ay muuqaalo wataan, kuwaas oo lasoo galiyo baraha bulshada, balse kuwa saameynta weyn reeba ama laga falceliyo ma badna.

Hase yeeshee hees cusub oo la magac baxday Barbar oo uu qaaday fannaanka iyo majaajiliistaha lagu magacaabo Oomaar ee Canada ku nool ayaa baraha bulshada ka dhalisay xamaasaddii ugu saraysay ka dib markii sida muuqata ay dadka la dhaceen qeyb ka mid ah heesta.

Heesta oo ku socota erayo labo dhacaya sida dardar, sarsar iyo qarqar ayaa waxaa ku jira hooriska ah “ayuu, ayuu ii tuurey barbar” ka dibna waxaa muuqanaya fannaanka oo dhinac dhinac isu tuuraya, waana ficilka iyo weedha kulmay, arrinta sida gaarka ah u xiiso galiysay dadka.

Wixii ka dambeeyay markii heestan lasoo saaray bil ka hor, dadka waxa ay iska soo duubayeen boqollaal muuqaal oo muujinaya iyaga oo heesta dhagaysanaya, islamarkaasna jilaya ficilkii fannaanka oo ah in dhinac dhinac la’isu tuuro.

Fannaan Oomaar ayaa dadka kula dardaarmay in aysan jabin oo ay u dhowaadaan sariiraha ama meelo fiican si aysan dhibaato u soo gaadhin.

Comments are closed