|

Suldaan Reer Hargeysa oo ka hadlay cida Iska soo Sharixi karta Caasimada

Hargeysa June 29,2012(SDN)-Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilahi oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka waramay cida ay tahay in ay isu soo taagto tartanka gollaha degaanka ee Hargeysa.

Suldaanku waxa uu digniin u jeediyay axsaabta tartanka Caasimada musharixiin aan degaanka u dhalan in aaney taageero ka heli doonin Reer Hargeysa.

Qoraalka SuladaanXuseen Xaaji Cabdi Cabdilahi ayaa hadaladiisa waxa ka mid ahaa;

“Waxaan Ururadda iyo axsaabta siyaasadda u soo jeedinayaa uguna baaqayaa inaanay doorashada Goleyaasha deegaanka aanay u soo sharixin magaaladda Hargeysa murashaxiin aan u dhalan degmadda Hargeysa. Waayo Magaalada Hargeysa waa degmo ay degaan ardaayo deegaan ku ahi.

Ururka ama xisbiga degmadda Hargeysa u soo sharaxa musharixiin aan ahay reeraha deegaanka ah, waxaanu u cadaynaynaa inaanu wax cod iyo taageero ah ka heli doonin bulshadda. Haddii la doonayo in Hargeysa noqoto caasimad waa in la ansixiyaa xeerkii caasimadda oo muddo badan Golaha wakiilada horyaalay isla markaana la xadeeyaa bedka dhulka caasimadda oo aan xadaysnayn meelo badana muran ka jiro.

Doorashada Golaha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka dhacdo dhawaan waxa lagu dooranayaa xildhibaanadii ummadda reer Hargeysa u fulin lahaa adeegyadooda bulshadda, waxaan qabaa nin aan u dhalan reeraha degan Hargeysa haddii uu ku soo baxo doorashada inaanu daynayn inuu wax u qabto umadda sababtoo ah maba aha deegaan. Waxaan mar kale ku baaqayaa in la ilaaliyo degmonimada Hargeysa oo aan cid aan ka soo jeedin ardaayada degan aan loo ogolaan inay is sharaxaan.”

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed