|

Suldaan Sabayse oo La Sheegay in Xukuumadii Xidhay ay u diiday inay Maxkamad horkeento

Hargeysa,September 30,2015(SDN/QJ)-Suldaan Mawliid Sabayse oo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo xabsiga u taxaabtay 17/9/2015 ayaa dhawr jeer oo la hor keeni lahaa maxkamadda dib loo dhigay ka dib markii ay ciddi soo ashkataysay ka baaqatay inay maxkamadda ka soo xaadirto.

Suldaan Mawliid SabayseSuldaan Sabayse ayaa guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamad Muuse ku eedeeyey inuu meel kaga dhacay dad ka mid ah madaxda dawladda mar uu Suldaanku ka hadlayey qorshaha ay xukuumaddu ku doonayso inay Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera ku wareejiso shirkado gaar loo leeyahay oo dhawaan la sameeyey.

Iyadoo la tixraaco sidii uu Maxamad Muuse eedyntii Suldaanka u dhigay ayyaa waxa loo qaatay in cidda ka cabatay Suldaanka ee xukuumaddu  u xidhay ay aheyd guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamad Faarax .Hasa yeeshe waxa hadda isa soo taraya xogo tibaaxaya in cidda kolba maxkamadda looga yeedhayo ee hor iman la’i uu yahay Baashe Cawil oo ah wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Siilaanyo .Mudada uu Suldanku hadda xidhanyahay ayaa in badan dhaaftay waqtigii uu sharcigu ogolaanayey in maxbuuska maxkamad la’aan jeelka lagu hayn karo waliba iyadoo waliba xadhigiisa markiisii horeba loo soo maray wado sharciga baal marsan.

Comments are closed