|

Suxuufi Xukuumada Somaliland ay iibsan kari weyday oo xalay Saqdii dhexe Hargeysa lagu mirtay

Hargeysa Sept 28,2012(SDN)-Tafatirihii jariirada Madaxa banaan ee Saxafi oo Hargeysa ka soo baxda ayaa xalay saqdii dhexe ciidamo Boolis ahi ay kala bexeen aqalkiisa lamana garanayo halka ay geeyeen.

Cabdi fitaax Ceydiid oo ka mida suxufiyiinta aqoonta durugsan u leh mihnada saxaafada ayaa hore siyaabo kal duwan xukuumada Somaliland isugu dayday in ay u amusiiso,sida ay noo sheegeen dad ku dhwdhaw xukuumada Somaliland.

Xukuumada uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo ayaa hore ugu cadaadisay suxuufiga iyo jarariida uu tafatiraha ka yahayba in ay xukuumada ka yareeyaan la xisaabtanka.

Xarigan guracan ee qeyru dastuuriga ah ee lagula kacay Cabdifitaax Ceydiid ayaa ka cadheysiiyay giid ahaan saxaafada Somaliland iyo inta u dooda xoriyatul Qawlka.

Hadaanu nahay bahda saxaafada iyo ururada kala gedisan waxaanu ugu horeyn canbaareyneynaa xadhiga suxuufiga.

Kolka xigana waxaanu dalbaneynaa siideyntiisa iyo ka waantowga falalka noocan ah ee xukuumada Somaliland ay caadeysatay.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed