JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة
Date: 03/08/2013
Ujeedo: Tacsi
Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Murashaxa Madaxweynaha, Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga UCID, Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo dhamaan Taageerayaasha Xisbiga UCID waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Alle Ha U Naxariistee Geerida Naxdinta Leh ee ku timid SULDAAN DAAHIR SULDAAN AMIIN SULDAAN FAARAX oo Xalay ku geeriyooday 03/08/2013 Dhakhtarka Hargeysa laguna aasay maanta Hargeysa.
Waxaanu Eebo uga baryaynaa inuu Marxuumada ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somaland-na samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, gaar ahaan Qoyskii, Ehliyadii Qaraabadii uu ka baxay marxuumku.
Aamiin Aamiin Aamiin
Agaasimaha Guud ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga UCID
Dr, Jaamac Axmed Saalax
