“Cidkasta oo midab-dhaanta ama wax ku darta ama wax ka saarta astaanta calanka Somaliland waxay ku kacaysaa fal-dembiyeed ku xusan xeerka ciqaabta guud”Xildh. Rayte

    Hargeysa:Aug,28,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Ibraahim Axmed Rayte oo kamid ah Mudanayaasha Xisbiga Waddani ugu jira Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay  calan la dhalan rogay oo maalmihii ugu dambeeyey lagu arkayey qaarka mid ah xafiisyada Dawladda, waxana uu tilmaamay inay tahay distoor jebin. Xildhibaan Rayte oo maalintii shalay la hadlay HCTV, ayaa sheegay in ciddii astaanta…

    Read More

      “Waxan maqlaa wadaaddadu ma codeeyaan doorashooyinka, xisbi-na ma galaan, Markaa haddaad ka qaybqaadan weydaan hoggaaminta dalka aayadihiina aad akhriyeysaan Hadhaw haddii shaydaan idiin taliyo maxaad u calcaacalaysaan?”Muj. Muuse Biixi.

      Hargeysa:Aug,28,2015(SDN/QJ)-Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye, ayaa si weyn culimada Dalka ugu canaantay tafaraaruq iyo kala qaybsanaanta dhexdooda ka jirta, waxana uu usoo jeediyey inay midnimo muujiyaan maadaama oo ay dadka diinta u hayaan. Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlay munaasibad uu qabsaday Machadka Ibnu Baas ee Magaalada Hargeysa, ayaa ku…

      Read More

        “Dhulku Waa Aafo Qaran, Sanadkan Oo Kali Ahna 67-Askari Baa Wax Dhintay iyo Wax Dhaawacmay Iskugu jira Oo Dhul Uun Ku Dhibaatooday…”Taliye Fadal

        Hargeysa:Aug,28,2015(SDN/QJ)-Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa faahfaahin ka Bixiyey khasaare nafeed oo ka dhashay iska hor imaadyo maalintii shalay ciidamada Booliska iyo tiro Booliska ka tirsan ku dhex maray dhul ku yaalla Xaafadda Masalaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa. Taliye Fadal oo shalay fiidkii shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa sheegay in laba askari ku dhaawacmeen rasaas…

        Read More

          Sh.C/samad Xoday oo Booqday Machadka Al-Faaruuq Gaalkacyo

          Gaalkacyo Aug 28,2015(SDN/QJ)-Sh.C/samad Xoday oo kamida Culimada Dalka UK kana mid ahaa Culimadii Dacwada usoo dhabar adaygtay ee Acmaasha Dacwigaa ka waday  Gobolka Mudug ayaa waxaa uu soo booqday Machadka Al-Faaruuq ee  Daraasaatka Islaamka iyo Luqada Carabiga Xaruntiisa Magaalada Gaalkacyo. Shiikhu waxaa uu soo dhawayn kala kulmay Bahda Machadka isagoo la kulmay Maamulka Machadka Macalimiinta iyo…

          Read More

            GUDAHA KA AKHRI: Wasiir Cabdi-Wadaad Oo Si Adag U Beeniyey War Ka Dhan Ah Cirdigiisa Iyo Mawqifkiisa Siyaasadeed Oo Lagu Xidhiidhiyey Xilka Madaxweynuhu U Magacaabay Toddobaadkan

            Hargeysa Aug 28,2015(SDN/QJ)- Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda qorsheynta qaranka iyo isu duwida hay’adaha Caalamiga ah Muj. Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil Oo Cabdiwadad loo yaqaanno  ayaa jawaab ka bixiyey warar ka dhan ah mawqifkiisa oo lagu xidhiidhiyey mid lid ku ah mabaadii’da qarannimada Somaliland.   Wasiir ku xigeenka qorsheynta oo toddobaadkan uu madaxweyne Siilaanyo xilka…

            Read More

              Warbixin Caalami oo Daraasadaysay Heerka Somaliland kaga jirto Qiimeyn lagu sameeyey Dimuqraadiyadda, Dowladnimada Xoriyatul-qowlka, madax-bannnaanida Garsoorka 195 Waddan

              London 27.Aug 2015 (SDN/QJ)- “Dowladda Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa sii waddaa jawaabaha culus ee ay ka bixinaysay dhaliilihi loo jeedin jiray sannadkii 2014. Waxa sii socda xidhista suxufiyiinta. Waxa jira khilaaf ka dhex-aloosan xisbiga Nabadda, midnimada iyo horumarka (Kulmiye). Xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka…

              Read More

                Madaxweyne Siilaanyo Oo Laga Sugayo Go’aanka Uu Ku Cayimayo Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIE Iyo Awoodo Kala Duwan Oo Hirdamaya

                Hargaysa 27.Aug 2015 (SDN/QJ)- Awoodo qarsoon ayaa ku hirdamaya qabashada shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, kaas oo la filayay inuu qabsoomo bisha September ee sannadkan oo ay maalmo koobani inaga xigaan. Shirkan golaha dhexe ee KULMIYE oo qodobada ugu muhiimsan ee lagu dooran doono ay ka mid yihiin murashaxa madaxweyne iyo xigeen ee xisbiga…

                Read More

                  “Dastuurkeena Dib Weynu U Baadhi Doonaa, Waxa La Eegi Doonaa Guurtida Ma U Baahanahay” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

                  Hargaysa 27.Aug 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Xeerka Saami-qaybisaga iyo Doorashada Golaha Wakiilada, waxaanu sheegay in xeerkani uu muran badan ka dhaliyey Golihii Wakiilada ee hore, isla markaana ay Saddexdii Xisbi ee UDUB,UCID iyo Kulmiye ay murankaas soo af jareen, waxaanu tilmaamay inay khalad…

                  Read More

                    Maamulka Galmudug Iyo Ahlusunna Oo Kala Saxeexday Heshiis Aan Lagu Xusin Khilaafkii Ka Dhex Ooganaa

                    Caddaado 27.Aug 2015 (SDN/QJ)- Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Wal-jameeca , ayaa maanta heshiis awood qaybsi ah ku kala saxeexday magaalada Cadaado ee xarunta ku meelgaadha ah ah ee Maamul goboleedka Galmudug. Heshiiskan ayaa dhigaya sidii Ahlusuna uu uga mid noqon laheyd Maamulka Galmudug, waxaana heshiiskan uu suura gelinayaa in Ahlusuna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka…

                    Read More

                      “Madaxweynuhu Wuu Dhiban Yahay Anigaa La Soo Shaqeeyay, Aroortaad Arragtaba Wuxuu Maxkamadda U Saaran Yahay Reer” Cabdikariim Axmed Mooge

                      Hargaysa 27.Aug 2015 (SDN/QJ)- Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda qorshaynta Somaliland oo dhawaan iska casilay xilkaasi Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu wehel u noqday dhibaatooyin aanu xusin, waxaanu tilmaamay in arrinintaasi uu damreemay wakhtigii uu ka mid ahaa golaha Wasiirrada. Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu sidan ku sheegay munaasibad xalay…

                      Read More

                        Xisbiga WADDANI Oo Cambaareeyay Suldaan Ciidamada Amaanku Xabsiga U Taxaabeen

                        Hargaysa 27.Aug 2015 (SDN/QJ)- Guddiga Xisbiga waddani ee Gobolka Maroodi jeex, Garabada haweenka iyo Dhalinyarada iyo dhamaan taageerayaashu, waxay si kulul u canbaraynayaan Xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid Kaahin oo ciidanka Boolisku u taxaadeen xabsiga kuna xidhan Saldhiga Booliska ee Degmadda I. Kood Buur ee Caasimada Hargeysa. Suldaanka oo maalintii…

                        Read More

                          Ethiopian Airlines oo noqotay Shirkadda ugu Macaashka badan Diyaaradaha Qaaradda Afrika

                          Addis Ababa 27.Aug 2015 (SDN/QJ)- Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines, ayaa noqotay shirkadda ugu macaashka badan shirkadaha diyaaradaha qaaradda Afrika, sida laga ogaaday dakhliga guud ee shirkaddu soo galay muddo sannad ah. Maamulka sare ee Ethiopian Airlines oo todobaadkii hore shaaciyey inay shirkaddu heshay macaash dhan $175 Milyan intii u dhaxaysay xilli-sannadeedkii 2014/2015, ayaa lagu ogaaday…

                          Read More

                            ,“Maalintii Puntland la dhisay, Hawiye waa baqanayey, Isaaq Waa Baqanayey, Maantase Hoodh la iska saari maayo,

                            Garowe:Aug,27,2015(SDN/QJ)-la-taliyihii hore ee madaxweyne siilaanyo  ee dhinaca Doorashooyinka Md Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay xaaladda maamulka uu isu dhiibay ee Puntland, waxana uu si weyn uga dayriyey Heerka uu maanta maamulkaasi marayo. Mudane Xaabsade oo ka Hadlayey shir lagu qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay inay daciiftay awooddii maamulka Puntland, isla-markaana ay…

                            Read More

                              Waddo-tareenta Xidhiidhisa Dalalka Djibouti Iyo Ethiopia Oo Dhawaan Xadhigga Laga Jari Doono

                              Djibouti:Aug,27,2015(SDN/QJ)-Waddada Tareenka ee Xidhiidhisa Dalalka Ethiopia iyo Djibouti ayaa xadhigga laga jari doonaa Bilowga sanadka soo socda ee 2016-ka sida uu sheegay Madaxa wadooyinka tareenada ee Itoobiya, iyadoo ay waddadaasna dhisayso Shirkad shiinays ahi. Xadiidka tareenka oo dhararkiisu dhan yahay 450 mayl ayaa la sheegay in qiimhiisu ku kacayo ilaa 4 bilyan oo doolar. Mashruuca…

                              Read More

                                Akhri Magacyada Shirkadaha lagu wareejiyey Haamaha Shidaalka Berbera Iyo Cidda Hoggaaminaysa

                                Berbera:Aug,27,2015(SDN/QJ)-Waxa Gudaha Aqalka Madaxtoyada lagu saxeexay Heshiis Haamaha shidaalka Berbera loogu wareejinayo Shirkado gaar loo leeyahay, kuwaas ugu yaraan Soddonka sano ee Soo Socda Gacanta ku hayn Doona, sida ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Qurbejoog.com. Shirkadahan oo iskugu jira qaar cusub iyo kuwo dalka hore shidaal u keeni jirey, ayaa waxa kamdi ah Shirkadaha Red…

                                Read More

                                  Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Afhayeenkiisa Ou Qarka U Saaran Inuu Iscasilaad Gaadho

                                  Muqdisho:Aug,27,2015(SDN/QJ)-Waxa meel sare maraya khilaaf muddo soo taxnaa oo u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Afhayeenkiisa Daa’uud Aweys Jaamac, waxana soo baxaya warar sheegaya inuu afhayeenku doonayo inuu iscasilo. Daa’uud Aweys, ayaa xilkaasi loo magacaabay bishii December ee sanadkii 2014-ka, markaa oo uu ka tagey Laanta afka Somaliga ee VOA, oo Xarunteedu tahay Magaalada Washington….

                                  Read More

                                    Nin Ka Cadhooday Isir-nacayb Lagula Kacay Oo Rasaas Ku Laayey Wariyayaal Barnaamijyo Toos ah Ku Gudo Jirey

                                    Roanoke:Aug,27,2015(SDN/QJ)-Laba wariye oo ka Hawlgelayey TV ku yaalla dalka Maraykanka, ayuu Nin hubeysani qudha ka jaray xilli ay ku gudo jireen Tebinta Barnaamij toos oo ah oo ay Bulshada u gudbinayeen. Xabbadaha ayaa billowday iyadoo weriyaha iyo qof sawir qaade ah ay wareysanayeen haweeney ku sugneyd meel laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Roanoke ee…

                                    Read More