“Muslimiinta Waxaynu Dagaal ku qaadnay Dhulkooda oo aynu ku Xasuuqnaa, haddana waxaynu doonaynaa inaanay Waxba innoo geysan Doqmo maaha..!” Michel Onfray oo ah Siyaasi iyo qoraa u dhashay dalka Faransiiska
Paris 22.Nov 2015 (SDN/QJ):- Siyaasiyiinta Reer Galbeedka ah ayaa billaabay inay si kulul u weeraraan siyaasadda dowladahooda ee ku aadan dadka Muslimiinta ah, waxayna sheegeen in fara gelinta dowladaha Yurub iyo Mareykanka ku hayaan Muslimiinta iyo duullaannada ay ku qaadeen dhulkoodu sabab u tahay inay abuurmaan ururro Xagjir Musliim ah oo falal aar-gudasho ah ka…
