DAAWO: Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani laantiisa Sweden oo ka Khaladaadka isdaba yaalka ah ee xukuumada Kulmiye

    Stockholm Aug 06, 2014(SDN/QJ)-Afhayeenka xisbiga Wadani laantiisa Sweden Md. Cantar Kidaar Cune ayaa waxa uu ka hadlay fadhiidnimada dawlada Axmed Siilaanyo iyo wasaaradaha hawlahooda gabay ee hadana ku mashquulay axsaabta mucaaridka dhaliishooda. HALKAN HOOSE KA DAAWO AFHAYEENKA OO QODOBEYNAYA DHALIILAHA KULMIYE SDN/QJ-Stockholm contact@qurbejoog.com

    Read More

      Hay’ada Human Corncern oo gacan ka geysan doonta Mashruuca dhismaha wadada Cad(SAWIRO)

      Hargeysa Aug 06,2014(SDN/QJ)-Hay’ada gargaarka ee Human Concern ee xarunteedu tahay dalka Canada ayaa shaacisay in ay gacan ka geysan doonto mashruuca dhismaha Wada Cad ee isku xiri doonta magaalada Hargeysa iyo Ina Guuxaa. Qurbajooga degaanka wadadu mari doonto ayaa Iyana sidoo kale waxa ay wadashaqeyni dhexmari doontaa hay’ada HCI. Haween weynaha beesha Maxamed Daauud iyo…

      Read More

        Inka Badan 2000-kun Oo Tahriibayaal Soomaaliyi Ku Jirto Oo Badda Talyaaniga Laga Soo Badbaadiyey

        Sicilia:Aug,06,2014(SDN/QJ)-Tahriibayaal Tiradadooda lagu sheegay inay Kor u dhaafayeen 2700-qof oo somaliyi ku jirto, ayaa maalmihii jimcihii iyo Axaddii toddobaadkan laga soo badbaadiyey Xeebaha dalka talyaaniga. Barta Twitterka ee u gaarka ah Mariniska Talyaaniga ayey ku sheegeen inay gurmad xooggan u sameeyeen Muhaajiriinta oo iyagu la socday dhowr dooni oo aad loo soo buux dhaafiyey. Gurmadkii…

        Read More

          Muslmiinta Galbeedka Afrika Oo Sanadkan Loo Diiday Inay Xajka Tagaan

          Riyad:Aug,06,2014(SDN/QJ)-Dawladda Dalka Sucuudiga ayaa sheegay inay xujayda ka tegaysa Galbeedka afrika aan loo ogaalaan doonin sanadkan inay Tagaan Xajka. War qoraal ah oo ay heshay Warbaahinta Gudaha sucuudigu, ayaa lagu sheegay in dalkaasi mamcuunay inuu fiiso siiyo dadka galbeedka qaarada Afrika kasoo xajaya, iyadoo sababtuna tahay cudurka halista ah ee Ebola oo dalalkaas faro baas…

          Read More

            Maraykanka Oo 33-Bilyan Oo Dollar Ugu Deeqay Qaaradda Afrika

            Washington:Aug,06,2014(SDN/QJ)-Shirka Madaxda Afrika iyo Maraykanka u socda oo gebogebo ku dhaw  ayaa lagaga dhawaaqay lacago tiro badan oo la siin doono Qaaradda Afrika. Madaxweynaha maraykanka ayaa shirkaas kaga dhawaaqay inuu bixin doono lacag dhan 33-bilyan oo dollar, taas oo lagu bixin doono Arrimaha muhiimka u ah baahiyaha qaaradda Madow. Hadal uu ka jeediyay shirka Afrika…

            Read More

              Waalidiinta Aan Ubadkoodu Gacantooda Ku Jirin Oo Bilaabay Inay Iska Diiwaangeliyaan Saldhigyada Muqdisho

              Muqdisho:Aug,06,2014(SDN/QJ)-Saldhigyada Magaalada Muqdisho, waxa si weyn u buuxdhaafiyey Boqolaal Waalidiin ah oo aan Haynin Meel ay kaga warramaan caruurro ay dhaleen oo loo malaynayo inay Al-shabaab ku biireen. Waalidiintan ayaa kusoo baxay Hadalkii uu dhawaan Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka qalabka sidaa, kaas oo ahaa in qofkasta oo Alshabaab ah oo gacanta lagu soo dhigo lala soo…

              Read More

                Taageereyaasha Mucaaridka Jabuuti oo ay Weheliyaan shucuubka Geeska Africa ee Mareykanka ku nool oo ku mudaharaaday Madaxweynaha Jabuuti

                Washington Aug 06, 20149SDN/QJ)-Taageereyaasha iyo madax ka mida mucaaridka xukuumada Jabuutioo ay weheliyaan jaaliyadaha dalalka Geeska Africa ayaa ku mudaharaaday madaxweynaha Jabuuti oo ka mida madaxda Afrika ee dalkaa booqanaya. Isu soo baxa oo ay ka qeybgaleen in ka badan 2000 oo ruux ayaa waxa goob jog ku ahaa masuuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweyne…

                Read More

                  Muuse Biixi Oo Awooddiisii Noqotay Inuu Kaliya Dib U Dhigo Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbigiisa Muddo Aan La Cayimin

                  Hargeysa:Aug,06,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa ku dhawaaqay inuu mar kale muddo aan cayinayn dib u dhigay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbigaas oo lagu waday inuu maalintii shalay qabsoomo. Muuse Biixi ayaa si cad u sheegay inuu shirkaas dib u riixay, isagoo aan wax sabab ah oo dib loogu dhigi karo ku qeexin…

                  Read More

                    Madaxweyne Xasan: “Dowladdu waxay qaadeysaa tallaabooyin looga hortagayo in cudurka Ebola u soo gudbo Soomaaliya”

                    Washington Aug 06, 2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliyeed, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay tillaabooyinka ka hortagga ah ee ay Soomaaliya qaadeyso si ay u xaqiijiso in Feyraska Xanuunka Ebola uusan saameynin Soomaaliya. Soo ifbaxa cudurka Ebola waxa uu markii ugu horreysay ka dillaacay dalka Gini bishii Maarso 2014. Laga soo billaabo markii uu uu cudurku dillaacay,…

                    Read More

                      Madaxweyne Siilaanyo iyo Mudane Rayaale Siday uga Hadleen Cadaawadda Ururrada Midawga Afrika iyo IGAD u muujiyeen Somaliland?

                      Hargaysa 06.Aug 2014 (SDN/QJ)- Urur-goboleedka IGAD iyo Ururka Midawga Afrika, ayaa ku fashilmay Aqoonsiga Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana caddaystay inay iyagu caqabad ku yihiin, iyada oo Beesha caalamku ay markasta oo laga hadlayo ama wax la iska weydiiyo qaddiyadda Ictiraafka Somaliland ay ku doodaan in ka go’aan-qaadashada Aqoonsiga Jamhuuriyaddani yahay mid u yaalla ama…

                      Read More

                        Ciidamadii Qabsaday Telefishanka Punt land oo Lagu Qanciyay in Waxay Tabanayaan la Dhamaynayo Iyo Agaasimihii Xilka laga qaaday ee Telefishankaas oo ka hadlay Saamayntuu ku lahaa

                        Garowe 06.Aug 2014 (SDN/QJ)- Koox Ciidan hubaysan iyo Saraakiil isugu jira oo ka tirsan Ciidammada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo  gelinkii hore ee shalay si buuxda ula wareegay gacan-ku-haynta Xarunta Telefeshinka Puntland ee ay dawladda Maamul-goboleedkaasi Maamusho, ayaa lagu guulaystay in laga saaro xarunta TV-ga ee ay la wareegeen Shalay, ka dib markii ay dhinacyo…

                        Read More

                          Wasiirad Islaam ah oo Iska Casishay Xukuumada Ingiriiska,Kadib markay qaadan wayday Duulaanka Gaza

                          London 06.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiir Muslim ah oo ka tirsanaa dawladda dalka Ingiriiska,ayaa iska casishay xilkii ay ka haysay xukuumadda London ka dib markii dawladeedu si cad ula safatay dawladda Yuhuudda  oo wadda  xasuuq ba,an ku  haysa shicibka falastiin ee ay bisha dhan ku wadday garaacista ay kaga waddo cir,dhul iyo badba. Baroness Sayeeda Warsi,…

                          Read More

                            R.W Cabdiweli oo Cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari

                            Muqdisho Augst 05, 2014(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab ka dhacay degmada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasoo ay ku dhinteen Taliyahii Qaybta Booliska gobolka Bari ee Maamulka Puntland iyo Taliyihi ilaalada canshuuraadka beriga ee gobolka Bari. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi…

                            Read More

                              Xukuumada Kukmiye Miyay kufilaan Wayday Misaaniyadii $150Milyan ee ay Kufaanayeen

                              Hargeysa Aug 05,2014(SDN/QJ)-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Abdiqani Ibrahim Salaf (Kaptanka) ayaa qoraal uu soo gaarsiiyay bogan Qurbejoog.com waxa uu uga waramay boobka hantida umadda ee xisbiga Kulmiye, qoraalka Xoghayaha ayaa sidan u dhignaa: “Waxaa wax lagu qoslo ah in Xukuumada Somaliland Maanta katalisaa ee Xisbiga Kulmiye Soodhisay isla Markaana Caynaanka…

                              Read More

                                Nuxurka Kulan dhex Maray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Weftiga Urur Goboleedka Igad,Iyo Warbixin dheer oo la Kala qaatay

                                Hargaysa 05.Aug 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane  C/raxmaan Maxamed C/laahi  (Cirro) iyo ku xigeenka labaad ee Gudoomiyaha Mudane Dr. Cali Yusuf Axmed ayaa Maanta kulan kula qaatay Xafiiska Gudoomiyaha Cirro Wafti ka socday IGAD oo kala ahaa:Ambassador Maxamed Cabdi Afey Uqaybsanaha IGAD ee Somalia/Somalilanda Dr. Axmed  Xasan mataan Uqaybsanaha Caafimaadka  ee  IGAD Ugu horayn Dr…

                                Read More

                                  Sidee ayay Xisbiyada Mucaaridka iyo Ka Muxaafidku uga Hadleen Kulankii Maanta ee Komiishanka Dhagayso Warbixinta Qurbejoog

                                  Hargaysa 05.Aug 2014 (SDN/QJ)- Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka wada hadlay arimaha doorashada Wakiilada iyo Madaxtooyada ee Badhtamaha Sanadda 2015-ka. Xisbiyada ayaa sheegay in Komishanku u sheegay inay guulaysatay Noocii diwaan galinta ee la tijaabiyay Bishii 6-aad. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali…

                                  Read More

                                    Garowe: Maleeshiyaad Hubaysan oo si Toos ah ula Wareegay Gacan ku haynta Telefishanka Dawlada Punt land

                                    Garowe 05.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wararka laga helayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegayo in xarunta TVga  Puntland ee Magaalada Garoowe  ay la wareegeen maleeshiyo hubeeysan oo xoog ku galay xafiisyada xarunta TVga . Kooxda Hubaysan ee maanta la wareegay TVga Punt-land, ayaa ku amray shaqaalaha TVga in ay isaga dareeraan xarunta. Qaar ka mid…

                                    Read More