Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Dhuumasho ah Ugu Ambabaxay Dalka Djibouti

    Hargeysa:July,21,2014(SDN/QJ)-Guddoomiye-yaasha Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, ayaa safar aan ujeeddadiisa la shaacin ugu Haatan ugu Ambabaxay Dalka Djibouti oo muddooyinkan dambe loo Daabulayey Muwaadiniin reer Somaliland ah oo aan Waxba galabsan. Sida ay Noo xaqiijiyeen Hawl-wadeennada Garoonka Cigaal International Airport, waxa Garoonka Haatan Diyaar ku ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani,…

    Read More

      Tirada Askarta Kenya Kaga Dhimatay Gudaha Somalia Oo La Shaaciyey

      Nairobi:July,21,2014(SDN/QJ)-Warbaahinta Dalka Kenya qaar ka mid ah ayaa shaaciyey Tirada Rasmiga ah ee Ciidanka Kenya lagaga Dilay Gudaha dalka somalia. Jariiradda  Whereiskenya oo ka mid ah Wargeysyada Dalkaas ka soo baxa ayaa daabacday in Gudaha Somalia lagu dilay ugu yaraan 3000-Askari  oo Kenyan ah tan iyo intii ciidankaasi gudaha u galay Somalia. Wargayska ayaa warbixintiisa…

      Read More

        Ha la Yaabin Dumar Soomaliyeed oo Holland Ku Dhaqan oo Cabasho ka Tirsanaya Jaadka la Joojiyay Daawo.

        London 21.July 2014 (SDN/QJ)- Tan iyo Markii Ingiriiska laga Mamnuucay Isticimaalka Qaadka oo ay ku Dareen Maandooriyeyaasha ayaa waxaa soo baxaya warar hor leh oo sheegaya in haweenka Somalidu ay Cabasho ka qabaan Qaad Joojinta Haweenka ayaa ka mid ahaa Daneeyeyaasha arrintan dabada ka riixayay iyagoo ku doodayay in Qaadku uu aafo ku yahay Wada…

        Read More

          Weriyeyaasha Reer Galbeedka ah ee Ku Sugan Magaalada Gubanaysa ee Qasa oo Xarumaha ay u Shaqeeyaan Dhibsadeen Tebintooda Tooska ah ee Wararka Dagaalka Israa’il Iyo Falastiin

          Gaza 21.July 2014 (SDN/QJ)- Telefishinka NBC Al-Ikhbaariyah ee Mareykanka laga leeyahay ayaa waxa ay ku amartay wariyihii uga soo warramayay magaalada Ghaza in uu sii deg deg ah kaga soo baxo magaalada kadib markii uu si isdaba joog ah usoo tabiyay caruur aad u da’ yar oo ku waxyeeloobay qaarna ku Shahiiday duqeymaha arxan darro…

          Read More

            Muqdisho Oo Xalay Lagu Dilay Shan Qof Oo Shacab ahaa

            Muqdisho:July,21,2014(SDN/QJ)-Dad tiradooda lagu sheegay ilaa iyo shan qof ayaa Habeenkii xalay siyaabo kala duwan loogu laayey Gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia. Dilalka dadkan oo shacab ahaa ayaa la sheegayaa inay Fuliyeen Kooxo Budhcad ah oo aan Haybtooda la aqoonsan, kuwaas oo si gaadmo ah ku laayey Dadkaas. Saddex qof, ayaa waxaa xalay lagu dilay…

            Read More

              Sucuudiga Oo Dabagal Ku Haya 17-Wadaad Oo Khudbadahoodii ku Cambaarayn Waayey Kooxda ISIS

              Riyad:July,21,2014(SDN/QJ)-Xukumadda Waddanka Sucuudiga ayaa ku Hawllan Baadhitaano ka dhan ah Imaamyada 17-masjid ooo ku yaalla Caasimadda Riyaad, kuwaas oo khudbadoodii jimcaha ku Cambaarayn waayey Xoogaga islaamiyiinta ah ee Daacish. Sida lagu baahiyey wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters , dawladda Sucuudiga ayaa si gaar ah indhaha ugu haysa culimada masaajidada, siiba imaamyada, iyadoo la sheegay…

              Read More

                Taliyaha Cusub ee Booliska Somalia oo Xilkii la Wareegay Iyo Muuqaal ay Canada Ku Tilmaamayso Dagaal ooge oo Shaaca laga qaaday Daawo

                Muqdisho 21.July 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha cusub ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed, Gen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa si rasmi ah xilkii ugala  wareegay taliyihii hore ee ciidanka, Gen. Cabixakiim Daahir Siciid. Xaflad loogu talagalay xil-wareejinta oo lugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda , saraakiisha ciidanka boliiska iyo xubno ka tirsan…

                Read More

                  Kooxaha Falastiin oo Shaaciyay Askari Israa’ili ah oo ay Gacanta Ku dhigeen,Yuhuuda oo beenisay Iyo Tiradii ugu badnayd ee Askarta Israa’il kaga dhigta afar cisho oo dagaal qadhaadh ah

                  Gaza 21.July 2014 (SDN/QJ)- Maalinimadii Shalay iyo Habeenkii xalay, ayaa aha saacadihii ugu darnaa ee ay Yuhuudda Isra’iil laban-laabeen weerrarada ay ku hayaan Shacabka Muslimiinta ah ee reer Falastiin ee ku dhaqan Qasa iyo hareereheeda, isla markaana ahayd ayaantii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnayn 14 cisho oo ay socdeen duqaynta iyo dagaalka Yuhuuddu ku hayso…

                  Read More

                    “Garoon diyaaradeed oo yar oo aad xidhataan waxba idiin tari maayo, waana calaamadaha lagu garto dawlada sii dhaceysa” Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid

                    Hargaysa 21.July 2014 (SDN/QJ)-Murrashaxa Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md.Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay inuu caalamku u yaqaano xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, dawlad uu hadheeyey musuqmaasuq,isla markaana waxa uu ku eedeeyey xukuumadda inay ku fashilantay amnigii guud iyo wada-shaqeyntii aynu la lahayn waddamadda Jaarka. Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa waxa uu u mahad-celiyey masuuliyiinta xisbiga…

                    Read More

                      Gudoomiye Ku Xigeenka Waddani “Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkii dalka, ee laga rabay inay dalka hogaamiyaan, wax talo ah oo gacanta ugu jirta ma jirto”

                      Hargaysa 21.July 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in Xukuumadda hadda taladda haysa ee Madaxweynaha uu ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) tahay Xukuumaddii ugu liidatay ee dalka soo marta, isaga oo sheegay inay ku fashilantay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Siyaasada Arrimaha Guddaha, Siyaasada…

                      Read More

                        Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Xisbiga UCID Yusuf Budle oo Ka tanaasulay dhamaanba xubinnimaddii Xisbiga UCID

                        Minneapolis July 21,2014(SDN/QJ)-Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda ee xisbiga UCID Md Yusuf Budle ayaa gebi ahaanba iska casilay xilkii uu xisbiga u hayay iyo xubinimadii xisbiga mucaaridka ah. Qoraal uu internetka ku baahiyay ayuu ku yiri : Waxa aan u sheegayaa dhamaanba madaxda, xubnaha iyo dhamaanba taageerayaasha Xisbiga UCID meelkasta oo ay joogaanba in laga…

                        Read More

                          Maxaad kala socotaa dalalka aaney Laanta Socdaalka Mareykanku Duyuuradahooda u ogoleyn

                          Washington July 21,2014(SDN/QJ)-Laanta socdaalka Mareykanka ee FAA ayaa shaacisay dalal ay hawadooda uga digtay duyuuradaha laga leeyahay dalkaas. Digniintan ayaa waxa ay soo baxeysaa maalmo ka dib kolkii duyuurad rakaaba oo laga lahaa dalka Malesiya lagu soo riday dalka Ukraine. Laanta duulimaadka ee dalka Mareykanka ayaa mararka qaar daabacda digniino noocan ah balse haatan waxa…

                          Read More

                          Naadiga Chelsea oo soo Xerogalisey Ciyaartooy Aduunka Ka Caan Ah Qaarna Khaarijisey. (By Jaahuur)

                          Chelsea-20-July-2014- Akhyaartay qormadeena ciyaarha waxaynu ku eegeynaa naadiga Chalsea oo soo xerogashatey ciyaartooy cusub oo aduunka ka caan ah iyo qaar aay ka takhalostey, maxayse ku soo kordhin doonaan kuwa cusubi? Aalaaba wakhtiyada xagaaga ee badanaaba naadiyadu ama ciyaartooydu marka aay ku jiraan nasashada inta uuna bilaamin xili ciyaareedku waxay ku hardimaan kala iibsiga ciyaartooyda…

                          Read More

                            Cabdalla Aadan Adde oo Noqday Suxufigii Kowaad ee Maamulka Madaxweyne Cabdi Weli Gaas uu Xidhay

                            Garowe 20.July 2014 (SDN/QJ)- Cabdalla Aadan Adde oo ka mid ah Suxufiyiinta Madaxa banaan ee ka howl-gala Garowe ayaa ciidamo boolis ah xabsiga u taxaabeen fiidnimadii caawa, lamana garanayo sababta ka danbeysa xariga Suxufigan. Sida ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Ilo madax banaan  Wariye Abdalla ayaa lagu war-galiyey inuu u xiran yahay amar kasoo baxay masuuliyiinta…

                            Read More

                              Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo dalka dib ugu Soo laabtay Isla markaana dhaliilay Siyaasada arrimaha Dibada DAAWO

                              Hargaysa 20.July 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta  Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Arimo Doora Oo Ay Kamid Tahay Siyaasada Arimaha Dibada Ee Dalka. Gudoomiye Faysal Waxa uu Sheegay inuu dalka Mexico oo uu kaga qayb galay Shir ay ka qayb qaadanayeen Xisbiyada ay isku aragtida yihiin Waxaa…

                              Read More

                                Buuhoodle oo Maanta Si Balaadhan loogu aasay Garaad C.laahi Garaad Soofe oo Shalay Geeriyooday

                                Buuhoodle 20,July 2014 (SDN/QJ)- Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe oo kamid ahaa hoggaamiyeyaasha dhaqanka Somaliland oo shalay ku geeriyooday magaalada Buuhoodle ayaa la aasay maanta, iyadoo aaskiisa ay ka qeybgaleen boqolaal qof oo meello kala duwan ka yimid. Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo hogaaminayay Wefti balaadhan oo ka Socday Xukuumada Somaliland…

                                Read More

                                  Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Sii-hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya

                                  Mogadishu, July 20, 2014– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha cusub Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Hamza . Kulan gaar ah ayey wada yeesheen Wasiirka iyo Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya , iyadoo fadhigaasi looga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka…

                                  Read More