Soomaaliya: Guddi Loo Diray Xaqiijinta In Kenya Ku Soo Xadgudubtay Somalia Oo Qodobo Soo Saaray

    Baledxaawo,19Nov,2015(QJ/SDN)-Wafti uu hoggaaminayo wasiirka Difaaca Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Diini oo booqday degmooyinka Doolow iyo Balad-xaawo oo kawada tirsan gobolka Gedo, ayaa ka warbixiyay wixii ay kusoo arkeen Xadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya kadib markii la sheegay in Kenya ku soo durugtay Somalia. Xubnaha wafdiga ayaa ka koobnaa; guddiyada difaaca, arrimaha dibadda, arrimaha gudaha…

    Read More

      “Cadow Somaliland ahi marnaba ma joogayo Ethiopia ama hub ha wato ama yaanu wadane,nimanka Al-qushaash la yidhaahdo Waa in Dalka laga Sifeeyo” Madaxweyne Cabdi M.Cumar Iley

      Wajaale,19Nov,2015(QJ/SDN)-Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ka hadlay aragtidiisa xidhiidhka Somaliland iyo maamulkiisa ka dhexeeya, wuxuuna Soomaalida guud ahaan ku booriyay in Al-shabaab meel looga soo wada jeesto, isagoo ku dooday in madarasadaha afkaarta Al-shabaab dhigana laga tirtiro geeska Africa. Ugu horayn isaga oo ka hadlaya xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia waxa uu…

      Read More

        FAROOLE: Waxaan ka digayaa in mar kale dadka Soomaaliyeed Wax loogu Qaybiyo Nidaamka 4.5

        Garowe,18Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka digay in shacabka Soomaaliyeed mar labaad wax loogu qeybiyo nidaamka qabiiliga ah ee 4.5, kaasoo uu sheegay inuu sabab u yahay dib u dhaca Somalia. C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in loo baahan yahay in nidaamkaas laga gudbo, dalkana ay ka dhacaan doorashooyin lagu soo xulanayo…

        Read More

          DHAGAYSO: Taariiikh Nololeedkii Faynuuskii Saxaafadda Marxuum Wariye Axmed Xassan Cawke, Oo Uu Diyaariyey Khaalid Foodhaadhi

          Hargeysa,18Nov,2015(QJ/SDN)- Alle Naxariistii Janno Haka Waraabiyee Axmed Xassan Cawke Oo Lagu Tilmaami Karo Iftiinkii ama Faynuuskii Saxaafadda Soomaaliyeed, ayaa maalinkii Shalay ku geeriyooday Magaalada Jig-jiga, iyadoona lagu aasay magaaalada Tog-wajaale, Haddaba dhagaysayaashayada waxaanu Halkan ugu soo gudbinaynaa Barnaamij Gaar ah oo aanu ka diyaarinay Taariikhdii Guunka ahayd iyo Geeridii Marxuum Wariye Axmed Xassan Cawke, waxaana…

          Read More

            Weriye C.risaaq Xaaji Catoosh oo BBC u soo Wakiilatay inuu Tacsi Gaadhsiiyo Qoyskii uu ka baxay Marxuun Axmed Xasan Cawke Iyo Siyaaro uu ku tegay Qabrigii lagu aasay SAWIRO

            Hargaysa 18.Nov 2015 (SDN/QJ):- Waxaa weli socda Baroordiiqda Geeridii xaqa ahayd ee Shalay ku Timid Weriye Axmed Xasan Cawke oo si weyn looga yaqaanay Deegaanada Soomaalidu ku dhaqan tahay. Hadaba Weriye C.risaaq Xaaji Catoosh oo ka Tirsan Idaacada BBC laanteeda Afka Somaliga kana soo warama Magaalada Nairobi ayaa bah’da Idaacadaas oo Marxuun Cawke Mudo dheer…

            Read More

              Wasiir Cali Warancade iyo Weftigii uu Hogaaminayay oo Kulan la Yeeshay Laamaha Dawlada ee Gobolka Sanaag iyo Arrimaha lagaga wada hadlay DAAWO

              Ceerigaabo 18.Nov 2015 (SDN/QJ):- Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo  Hawlaha Shaqo u Jooga Magaalada Ceerigaabo ayaa waxay Maanta Kulan kula qaateen dhamaanba Madaxda Laamaha Dawlada ee Gobolkaasi Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Ujeedadda Kulankan ayaa la Xidhiidhay Sidii ay Weftigu Xog uga heli lahaayeen habsami u Socodka Hawlgalada Shaqo ee…

              Read More

                Nidaam Xumo Ay Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Gudoomiyaha Kulmiye Kala Kulmeen Cidamada Luu Boliska Markii ay Shalay ka qayb galeen Aaska Weriye Cawke iyo Gudoomiyaha G.Gebilay oo Faahfaahiyey

                Wajaale 18.Nov 2015 (SDN/QJ):-Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise, ayaa sharaxay siday shalay galab u dhacday hanaan xumo ay madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Muuse Biixi musharaxa Kulmiye kala kulmeen ciidamada Ethiopia. Ciidamada Ethiopia oo sugaya ammaanka madaxweynaha dawlad degaanka Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa madaxweyne xigeenka iyo guddoomiyaha Kulmiye iyo waliba madax kale…

                Read More

                  Wasiir Cali Raygal Oo Sheegay In Shaqadda Dawladda Sanaag Fadhiid U Noqotay Isku-duweyaasha Shaqadda Ku Raagay DAAWO

                  Ceerigaabo 18.Nov 2015 (SDN/QJ):-Wasiirka Dib u dejinta Somaliland  Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay in horumarka gobolka Sanaag ay fadhiid u noqdeen ka dib markii iskuduweyaasha laamaha dawladdu ay noqdeen qaar xafiisyadda ku raagay oo isa siiyay masuuliyadda ay ummadda u hayaan. Wasiirka Dib u dejinta oo ka mid ah wefti Wasiirro ah oo  socdaal ku…

                  Read More

                    Dareenka Tiiraanyada Leh ee Geeridii Weriyihii Ruug Cadaaga ahaa ee Axmed Xasan Cawke AHN Iyo Tilmaamo baadi sooc u ah Curintiisa Suxufinimo DAAWO

                    Hargaysa 18.Nov 2015 (SDN/QJ):- Waxaa Bah’da Warbaahinta ku hadasha Luuqada Soomaaliga ka baxay Tiir ka Mid ah Rukunada ay ku taagan Tahay Saxaafadu,Wuxuu ahaa Foolaadkii Warbaahinta ku soo Biiray Horaantii Todobaatanaadkii,Wuxuu ahaa Weriye Ruug cadaa ah oo Wax badan ku soo Kordhiyey Mihnada uu ku shaqaynayay Ku sinaan Mudo 43 Sanno ah oo Cimrigiisa ka…

                    Read More

                      Ha’yadda Xuquuqul Insaanka Adduunka Oo Kulan La Qaadatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

                      Hargaysa 18.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Marwo  Shugri Xariir Ismaaciil ayaa  shalay la kulantay wefti ka kala socday ha’yadaha FCO iyo Amnesty International. Wasiir Shugri Xariir oo kulankaasi ka dib la hadashay warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in ha’yadahan Amnesty International iyo ha’yadda ka shaqaysa  Horumarinta saxaafada ee FCO, ay…

                      Read More

                        “Al-Qaacida iyo Daacish Waa Shayaadiin Isku Mid Ah, Waana Kooxo U Taagan ..’’ Xassan Sheekh

                        Dubai,18Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay raadinayso xal siyaasadeed intii ay awood ciidan u adeegsan lahayd soo af-jaridda kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Al-shabaab ayaa muddo sannooyin ah dagaal kula jirtay dowladda Somalia, si ay xukunka uga tuurto, balse taasi uma…

                        Read More

                          Madaxda dunida ee hal xilli talada qabtay wada Mandela ma’ yihiin? Faallo Qallinkii Kamaal A. Ali

                          Hargaysa 18.Nov 2015 (SDN/QJ):- Waxaa xusid mudan in si loo xaqiijiyo xaqa shuruucda dunida oo dhami muwaadinka u siinayso in talada dalkiisa laga qayb geliyo, oo uu wax dooran karo lana dooran karo, ay muhiim tahay in hoggaamiye kastaa uu talada hayo waqti xaddidan oo marka uu dhammaysto ay fursadda madaxnimadu mar kale muwaadiniinta dhex u…

                          Read More

                            Dhaqaalihii Diiwaangelinta oo Laalan,Hogaanka Sadexda Xisbi Qaran oo Kulan la Yeeshay Qaadhaan Bixiyeyaasha iyo Fariinta ay u Gudbiyeen

                            Hargaysa 18.Nov 2015 (SDN/QJ):- Saddexda guddoomiye ee xisbiyada qaranka Waddani, UCID iyo KULMIYE, ayaa shalay kulan la yeeshay wadamada deeq bixiyayaasha ah ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.   Kulankan oo ay guddoomiyayaashu Cabdiraxmaan-Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiye xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed wada jir ula yeesheen ergo ka socotay wadamadan, ayaa waxa ay…

                            Read More

                              Hawl Gal Laanta Socdaalka Somaliland Habeenkii Xalay ka Fulisay Magaalooyinka Waaweyn iyo Ujeedada uu daaranaa

                              Hargaysa 18.Nov 2015 (SDN/QJ):- Ciidamadda Laanta Socdaalka Somaliland ayaa xalay hawl-galkii ugu balaadhnaa ee baadhis ah ka samayee gobollada Dalka Somaliland oo dhan, ka dib markii uu sidaas amray wasiirka arrimaha gudaha. Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa (Maxamed Canbaro), oo xalay geeska Afrika u waramay ayaa sheegay  sheegay in hawl-galkan balaadhan laga…

                              Read More

                                Somaliland Oo Sababaysay Asbaabaha Ay Diiwaanka madax-dhaqameedka Ugu Dartay Caaqilka Beesha Jaarso oo Muran dhaliyey

                                Hargaysa 18.Nov 2015 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare, ayaa ka hadlay Caaqil Jaarso ah oo dhawaan lagu caleemo saaray Caasimada Somaliland ee Hargeysa, kaasi oo uu  dood ka keenay Sh. Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Sunne). Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare waxa uu arrinkan kaga hadlay kulan uu shalay la qaatay cuqaasha gobolka marroodi-Jeex,…

                                Read More

                                  Axmad Xasan Cawke (AHUN) wuu Fara Badnaa. Kee Ayaad Taqaan?

                                  Hargaysa 18.Nov 2015 (SDN/QJ):- Sanadihii bilowgii todobaatanaadkii waxa uu la shaqeyn jirey weriyihii weynaa ee Weli Xaaji Cali oo markaa aad can uguu ahaa tebinta ciyaaraha. Cawke markuu muddo yar wadey tebinta ciyaaraha waxa uu noqdey weriyaha loogu jecelyahay tebinta ciyaaraha. Wakhtiyadii hore, warbaahinta keli ah ee dalka ka jirtaa waxa ay aheyd raadiyo Hargeisa iyo…

                                  Read More

                                    Booliska Paris Oo Weeraray Koox Hubaysan iyo Iska Caabin Ka Socota Guriga Lagu Hareeraysan yahay.

                                    Paris,18Nov,2015(QJ/SDN)-Ciidamada Booliiska France ayaa weerar ku qaaday guri ay ku sugnaayeen xubno la sheegay inay ka qeyb qaateen weeraradii Jimcihii ka dhacay magaalada Paris. Iska horimaad ayaa ka dhacay guriga ay doonayeen inay booliiska gudaha u galaan oo ku yaal deegaanka Saint Denis ee waqooyiga magaalada Paris, iska horimaadka oo bilowday 4tii subaxnimo ayaa weli…

                                    Read More

                                      Aaskii Qaran ee Lagu Sagootiyey Ruug Cadaagii Saxaafadda Marxuun Axmed Xasan Cawke DAAWO

                                      Hargeysa 17 Nov 2015 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya,Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Iyo Madax ka Socotay Golayaasha qaranka, Qaybaha Warbaahinta Somaliland ayaa Maanta ka qayb galay Aas qaran oo Loogu sameeyay Magaalada Tog Wajaale Suxufigii Ruug Cadaaga ahaa ee Axmed Xasan Cawke oo ku Geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Dalka Itoobiya. Aaska alle…

                                      Read More