Uncategorized

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Ka Hadlay in Ciwaan ku Leeyahay Shabakada Xidhiidhka Dadweynaha ee Facebook

Hargaysa 20.Oct 2014 (SDN/QJ)-Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa shaaciyay inaanu lahayn FACEBOOK uu isticmaalo, isla markaana ay jiraan dad magaciisa ku isticmaala Facebook-ga.

Taliye Fadal Wuxuu la socodsiiyay shacabka reer Somaliland iyo cidd-kasta oo isticmaasha Facebook-ga inay sidaa ula socdaan oo ay uga war-hayaan:

“Facebook aan leeyahay oo aan isticmaala habayaraate ma jiro, sidaa daradeed,waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland inay sidaa ula socdaan oo ay uga war-hayaan.”Ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal

Mar uu Taliye Fadal la hadlayay cidda magaciisa sida been abuurka ah ugu isticmaasha Facebook-ga waxa uu yidhi “Waxa jira in magacayga Facebook-ga lagu isticmaalo oo cidda isticmaasha aanan garanayn, Sidaa daradeed waxaan u sheegayaa  Cidda magacayga ku isticmaasha facebook-ga waa inay joojiyaan oo ay ka waan toobaan been abuurkaa ay sameeyeen”.

 

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com