|

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo Deeq Timir ah ka Gudoomay Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka Degmada Berbera

Hargaysa 28.Feb (SDN)      Mas’uuliyiinta Gobolka Saaxil ayaa maanta Gaadhsiiyay Taliska  Ciidamada Qaranka deeq Timir ah oo ka koobnayd Kun Tanakadood Isla markaana ay ugu Talo galeen inay Taakulo u noqoto Ciidamada Qaranka ee Fadhiisimada Hore ee Xuduudaha Qaranka .

Munaasibada Gudoonsiinta deeqdan oo lagu qabtay Taliska Ciidanka Qaranka ee Caasimada hargaysa waxaa hadal kooban ka soo jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cali oo Sheegay inay deeqdan ay gobol ahaan ugu talo galeen inay qayb ka noqoto dhiirigalinta Ciidamada Qaranka ee Heeganka ugu jira difaaca dalka.

Sidoo kale Maayarka Magaalada Berbera C.shakuur Maxamud Cidin ayaa balan qaaday in Gobolka Saaxil iyo degmada Berberi ay diyaar la tahay Taageero loo fidiyo Ciidanka Qaranka isagoo intaas ku daray in Mar walba Wixii Maamul ahaan looga baahdo ay damaanadqaadayaan.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa amaan iyo Mahadnaq u diray Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Gobolka Saaxil ee deeqdan soo  gaadhsiiyay isla markaana ugu talo galay Ciidamada ku sugan Jiidaha hore ee Xuduudaha Qaranka.

Deeqdan Timirta ah ayaa noqonaysa tii Sadexaad ee Todobaad Gudihii la gaadhsiiyo Ciidanka Qaranka Waxaana labadii deeqood ee hore Ciidamada gaadhsiiyay Gobolada Gebilay iyo Maroodi Jeex.

Hargasya SDN.

Comments are closed