|

Gudida Dhismaha Wadad 150ka ee Hargaysa oo Bulshada uga digay inay ku soo xadgudbaan Jidkaas oo dhismihiisu Wejigii labaad galay

 

Hargaysa 28.Feb (SDN)    Af-hayeenka Gudiga Dhismaha  Wadada boqol iyo kontonka  ee magaalada Hargeysa Mr, Cabdillahi Baaruud Cige, ayaa ugu baaqay dadka  hareeraha kaga soo durkay Jidka Boqol iyo konton  inay dib uga noqdaan jidka, waxaanuu xusay in aan cidina laga yeeli  doonin inay  Wadadaas oo  Wejigii labaad ee dhismaheedii bilaabmay ay ku soo durkaan.

Af-hayeenku waxa uu sheegay  dhibaatada  ay leedahay in jidadka hareeraha  laga soo cidhiidhyo, taasi oo uu xusay in  cidii baaqan  iska dhego  tirta  in talaabo laga qaadi doono.

 

Jidkla  Boqol iyo konton  ee woqooyiga caasimada hargeysa  mara   ayaa maanta  wejigii labaad ee dhismihiisa  la bilaabay, Waxaanuu af-hayeenka Guddiga dhismaha jidka C/llahi Baaruud Cige, uu u soo jeediyey  Golaha degaanka ee cusub  in ay  dhinacooda guddi ahaan diyaar u yihiin inay ula shaqeeyaan sidii Golihii iyaga ka horeeyay ay ula Shaqayn jireen,Isagoo intaa ku daray in  ay  ku rajo weyn yihiin  in sida u dhakhsiinyaha badan uu  u dhamaan doono jidka oo dhismihiisu wejigii labaad  galay.

Hargaysa SDN.

Comments are closed