|

Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska oo Kormeer Shaqo ku Jooga Gobolka Sanaag

Ceerigaabo 31.July (SDN) Wefti uu Hogaaminayo Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.raxmaan Liibaan Axmed Fooxle ayaa maanta kulan la qaatay dhamaanba Ciidamada Booliska ee Magaalada Ceerigaabo.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa ka warbixiyay Xaalada Ciidanka Booliska ee Gobolka Sanaag Waxaanu Xusay inay Soo dhawayanayaan Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska ee Kormeerka Shaqo ku Yimid Magaalada Ceerigaabo.

Taliyaha Qaybta Boolisku waxa uu sheegay in Ciidanka Booliska ee Magaalada Ceerigaabo aanay ku Koobnayn balse ay ka hawl galaan Meel kasta oo Gobolka ah oo looga baahdo.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Muxumed Geele Dacar ayaa qiray in Ciidanka Booliska iyo Taliyaha Qaybtuba ay uga soo dhalaaleen hawsha qaran ee Sugida Amniga Gobolka Sanaag, Waxa uu Gudoomiyuhu hoosta ka xariiqay in Ciidankani yihiin kuwa wax ka bedelay nabadgalyada Magaalada Ceerigaabo siday hore u ahaan Jirtay.

Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in Mudadii uu Gobolka Joogay oo Shan bilood ah inaanu arag dhacdo ay wax ka qaban waayeen.

Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.raxmaan Liibaan Axmed Fooxle oo Gabo gabadii halkaasi ka hadlay waxaanu ka waramay Ujeedada Safarka ay ku yimaadeen Gobolka Sanaag oo uu ku sheegay inay ugu kuur galayaan Xaalada Guud ee Ciidanku ku Sugan yahay,Habka ay u Wada shaqeeyaan, Qaabka uu u Gudanayo Waajibaadkiisa iyo Wixii Baahi ah ee haysta .

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland waxa uu intaas ku daray inay u Socdaan oo kale Qaybta Ilaalinta Cashuuraha Qaranka oo dhismaheedii Socdo isla markaana ay Gobolo badan ka soo dhiseen .

 

Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed