|

TARTAMAYAASHA U ORDAYA KURSIGA MADXTINIMADA DALKA MID BAAN LEEYAHAY .SHACBIGA REER S/LAND EE ILAA 1960KII LAGU XEEGAYSANAYEYNA MID BAAN LEEYAHAY

DHAMAAN MAHAD ILAAHAY BAA ISKA LEH IDILKEED

DHamaantiin waan idin salaamayaa akhristayaasha qaayaha leh iyo wariyaasha heeganba 24/7

Intaasi ka dib soomaalidu waxay tiraahdaa reerku hadduu daalo waa la nasiyaa hadalku hadduu badatana  waa la jaraa waxaan ooga gol leeyahay s/land 20sano ee u danbeeyeyba waxaan maqlaayey uun doorashooyin dhacaya midba sumad uu leedahayba waayahay horumarka dalku gaadhay ma in doorasho uun lagu jiraabaa 20sano caqliga saliimka ahi waxaa uu ku tusinayaa inay wax inaga xun yihiin marka xaalku sidaasi yahay

20sano waa muddo badan oo lagu qiyaasi karo horumarkaad gaadhay horumarkana waxaa laga gartaa bulshada dhexdeeda xaga nadaafada  magaalooyinka dhexdooda xaga waxbarashada xaga caafimaadka sida wasaaaradaha looga shaqaynayo iyo danbiyada oo yaraada tuug la waayo masaakiinta oo yaraata iyo qurba joogtaada oo dalka ku soo noqda  tahriibta oo yaraata  dabadeed shahaadadaa waxaad ku qoran kartaa horumar laakiin markaad halkaad taagnay 20sano ka hor aad ka hoosayso waxaa u baahan tahay talo iyo arrin dag dag ah ood mashaariicdaada wax aad kaga badashid

TARTAMAYAASHA U ORDAYA KURSIGAN DAWLADAN BILAA DABARKA AH

Markaad doorashooyinka u cararaysaan xisbi kastaa waxaa uu wataa mabdaiisa iyo fikradahiisa iyo habab iyo rayiyo uu dhamaantood xisbi kastaa uu doonayo siduu u heli lahaa caqliyada shacbiga iyo laabahooda si uu u siiyo codkiisa qaaliga ah ee lagu koro kursiga sare ee qaniimada faraha badan ee bilaa xisaabta ahi ku ag xeegaarsan tahay

Iyo dawladaa bilaa dabarka ah hantideedan marba ka soo koraana siduu doono uu ka yeelo

s/land shacbigiisu waxaa uu soo saaray dawladii cigaaliyah oo ahayd dawlad ku can baxday musuq maasaqa waxaa ku xigtay dawladii uu cigaal soo tababaray riyaaliya oo iyana musuqmaasaqa bilad ku qaadatay waxaa ku xigtay dawlada siilaanyo oo iyadu higsad ah aad mooda inay musumaasaqa si xad dhaaf ah u boobayso ood moodayso inay ku boobayaan qorax casar joogta inaga gaadhsiiya xaalkoodu yahay markay halkaa marayso kuwiinan cararayaana sanqadh baa idiin baxaysa dhinac ay idinka xigtaana waxaan idin leeyahay  waa madaxtooyada  wax kale  ood doonaysaan   ma jirto haddii isbadal aad doonaysaan iyo inaad wax qabtaan ka hadla awoodan xad dhaafka ah ee taala madaxtooyada  iyo hantidadan sidii la doono laga yeelayo inaad wax ka badali doontaan aadna baabin doontaan in madaxtooyada noqoto meel ilaa xad awood badan oo lagu soo celiyo wada tashi iyo in laysala ogaado xoolaha ummada iyo halkay marayaan oo ka hadla dhawaaq dheerna ka sameeya  markaa waa la idin dhagaysan laakiin ii qumi xagee laga ciyaaraa , markaa shacbiga reer s/land waxaan leeyahay dareen yeesha oo aan kala dayno bacbacda hore iyo sacab qaraac hore iyo qaylada iyo mucaaridnimada danbe oo marka hore aan ka fakarno ninka aan meeshaa gaynayno inuu u qalmo iyo in kale.

midana waan idin leeyahay nabi maxamed s.a,w waligii nin yidhi meel ii dhiib uma dhiibin laakiin isaga ayaa nabigu s.a,w,u garan jiray ninka uu meel u dhiibayo isagoo ku xulan jiray cabsida uu alle ka baqo addoonkaasi iyo siduu alle ugu dhoyahay uuna u fulinayo awaamiirta alle koow  abuu bakarna r.c. waligii nin yidhi meel ii dhiib uma dhiibin  oo waxaa uu maray wadadii rasuulka  laakiin bal eeg islaamka quruxdiisa abuu baker isagaa kaligii doortay cumar oo oog dhigay ummada madax shillina kuma bixin iyo sacab tuna  cumar r.c waligii nin yidhi meel ii dhiib uma dhiibin tolkiina waabuu ka fogeeyey intuu talada hayey xukunka waxaanuu ku yidhi yaan bucsharadiinu kor u kicin intaan xukunka hayo si aan loo moodin inaad ka taajirteen qaniimada  ilaahayow maanta hadduu cumar noolaan lahaa  muxuu yaabi lahaa yaab dhaba .xoolaha ummada in la dabraa waa muhiim

Hadday tahay dawlad dabar leh iyo xisaab maanta may dhacdeen kuwo isku sheegaya qabiil oo koofiyad baclayaal ahi inay ka taliyaan warshada sibidhka ee soomaali oo dhani wada lahayd  sida laga yeelayo ,  hadday leeyihiin anagaa leh shalay xukunkii siyaad barre xagaad ku maqnayd sidaad maanta u hadlayso maxaad ugu hadli wayday xataa qabiilka aad iska soo hormarinaysaan kumaydaan dhaci jirin inaad sheegataan .

Wanaaga hangaga ciyaarina .dhaqanka xun ee jaahiliyadana ha inagu soo noolaynina haddaad noolaysaan walaahi inaan koob shah oo caano lah lagu cabaynin kuwa ugu hordanaqan doonaanaa waa koofiyad baclayaasha cuna waxaanay lahayn ee nag nagta badan waqtga nabada  waqtiga colaadana la waayo adduunka nabadaan ugu jecelahay waxa wax u dhimayana waan ka hortagaa dhaliilaha yaan loo qaadan cadaawad oo ha loo qaato nasteexo .waxaana fiican hantida ummada ka wada dhaxaysa inay dawladu maamusho oo qabiilku meesha ka baxo haddii kale miyaa gamtaa laysku joogsan marka qabiil kasta arrinka deegaankiisa ah laga talo galiyo.

Waxaan ku kale tagaynaa oon idin leeyahay shacbiga qiimaha badanoow wxaad soo saarteen siilaanyo waxaad soo saarteen cabdiraxmaan ciro waxaad soo saarteen salaymaan gaal  saddexdaba waxaad ogtihiin inaanay beer basil idiin kala goynaynin  waar dad idin anfaca oo idiin naxa oo da yar oo wax idiin curin kara keena meesha  oo riwaaayada mar uun ka baxa. iyadoo bacbac iyo orod iyo xafiisyo shaydaamo aan meelna laga furan kharashna ;lagu ciyaarin ayaan soo saran karnaa mid hore inoo wada waar ka ilbaxa is dabayaacan ma dhalayska ah iyo riyooyinka khayaaliga ah iyo lacagtan lagu luminaya israafka ee lagu cunayo qaadka iyo sigaarka maalaa yacniga ah  islaamku ma ogola sidaan aan doonayno inaan wax ku soo saarno ogaadana ninka wadada ilaahay ka jeestay waa uu khasaaray adduun iyo aakhirab  ninka raacay uun baa guulaysta shacbigaasi waa uu guulaysan hadday iska soo hormariyaan kitaabka alle iyo sunnada rasuulka s,a,w.

Waxaanuu ilaahay u soo saaraa madax fiican markay raacaan waddada alle u dooray barwaaqana waa uu ku nooleeyaa alle .

(waar hooy inaga ilaaliye tacasubka ku salaysan jahliga qabiilka foosha xun ee ma dhalayska ah  ee wax uu soo saaraa aanuu jirin madax waxtarkoodu yahay madhalays mooyee ood wada aragtaan maanta  ka gudba qabiilka  xun ee idinka daboolaya fikirka quruxda badan kana xishooda qabiiladan aad iska soo hormarinaysaan dadku waa ilma nabi aadan c,salaam nin walbana  reer wuu ka dhashay muhiina ma aha inaan isi soo bandhigo oon qabiilkayga ku soo sharaxo muraayadaha wararka lagu kala qaato bal adigaan ku waydiiyee maxay macna ah ay samaynaysaa markaad magac qabiilkaaga iska soo hor mariso waxay dadka caqlga u saaxiibka ahi ku arkayaan 0000 inaad tahay)

wax laga xishoodu ayaa dadka qaar kuxaragoodaan .

.isku soo wada xoori dhago ayaa loo baahan yahay ku jirta jidh caafimaad qabo oo wax curin kara soona saari kara curiyayaal waana taasi ta aynu u baahanahay.

Sidaa  iyo nabad gelyo

Fuad farah

Ottawa Canada

Comments are closed