|

Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo Qaban qaabadiisu aad u hoosayso

Hargasya May 31,2013(SDN) Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo loo qorsheeyay inuu ka furmo Caasimada dalka ee Hargaysa Maalinta Axada ee Bishu tahay 2 June ayaa ilaa Iminka si gaabis ah ku socda.

Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka oo iyadu ku hawlan abaabulka iyo isku duba ridida Ciyaaraha ayaan soo saarin Isku Aadka Ciyaaraha Gobolada ,Sidoo kale heerka Qaban qaabada Ciyaaraha ayaa ka hooseeya Sidii laga filayay.

Qaybo ka mid ah Xulalka ka qayb qaadanaya Tartanka Gobolada ayaa ku soo Xerooday Caasimada dalka ee Hargaysa halka Gobolo kalena ay Shaaciyeen inaanay ka qayb gali doonin tartankan iyagoo arrintaas u sibir saaray dhaqaale la’aan soo wajahday Sababna u noqotay inay ka hadhaan waxaana ka mid ah Gobolka Salal,Wasiirka Ciyaaraha ayaa hore u shaaciyay in Gobolkii aan iman Caasimadu ay u qaadanayaan Mid ka maarmay.

Gobolka Togdheer oo tartankan kii ka horeeyay Marti galiyay ayaa si dirqi ah kaga bad baaday inuu ka hadho ciyaaraha Gobolada kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Ciyaar yahanadii ka qayb qaadanayay,inkastoo Markii danbe ay Xukuumada dhexe soo faro galisay taas oo sababtay in shaqadii laga joojiyo Maamulkii Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolkaas.

Geesta kale marka laga eego Waxay dadka aqoonta u leh dhinaca Ciyaaruhu ku doodayaan in Xulalka Goboladu aanay Helin wax Carbis ah oo ay sii sameeyaan Si ay isula qabsadaan,hasa yeeshee ay taas badalkeeda u muuqato in looga gol leeyahay in la Shaaciyo inuu Qabsoomay Tartankii Labaad ee Ciyaaraha Gobolada Somaliland Mudadii ay Xukuumada Axmed Siilaanyo Jirtay,Waxaanay ku dhaliileen in Wasaarada Ciyaaruhu ay ka Gaabisay Sidii ay Saaxada Tartanka uga dhigi lahayd Mid ay 13 Gobol ka wada qayb qaataan

Garoonka Hargaysa Stadium ee loo asteeyay in lagu qabto Tartanka Ciyaaraha Gobolada oo aanu booqanay ayaanay ka socon dhaq dhaqaaq Mug leh oo la taaban karo isla markaana ay ku sugnaayeen Xiligaas oo ahayd 10 Subaxnimo Sadex qof .

Sidoo kale Garoonka Timcade oo isagu lagu qabto Tartanka Gobolada ee Kubada Kolayga ayaa ka sii hooseeyay ka Kubada Cagta .

Si kastaba ha ahaatee waxaa la eegi doonaa Sida uu Tartankani ku qabsoomo .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed