Uncategorized

Xulka Gobolka Hawd oo 2 Gool iyo Hal Gool ku Muquuniyay Xulka Gobolka Badhan

Hargaysa 03.June (SDN) Ciyaartii labaad ee tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland ayaa galabta garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ay ku yeesheen labada xul ee goboladda Badhan iyo Hawd oo ku wada jira Group-ka B, taas oo Natiijadeedii ku dhamaatay 2 Gool oo ay la yimaadeen Xulka Gobolka Hawd iyo Hal Gool oo Xulka Gobolka Badhan.

Ciyaarta ayaa ku Socota Qaab ku dhisan Weerar iyo Weerar Celis iyadoo Xulka Gobolka Badhan ay u muuqdaan kuwo ka duwan Sidii loo Saadaalinayay ,Waxaana dadka Odorosa Ciyaaruhu ay ku doodayeen in Xulka Gobolka Hawd ay daqiiqada hore ee Ciyaarta ay la iman Doonaan Gool Guusha ay ku beegsadaan,Maadaama uu Garoonkuna Saacidayo,Daqiiqadihii u danbeeyay ee Qaybta Hore ee Ciyaarta ayaa Kubad si fiican looga soo Shaqeeyay Waxaa Goolkii 1aad u Saxeexay Xulka Gobolka Hawd Ciyaaryahanka la Yidhaa Cabdi Casiis Cawil oo Sita Nombar Shan.

Hasa Yeeshee Xulka Gobolka Badhan ayaa Qaybtii labaad ee Ciyaarta Waxaa kubad Koone laga soo laaday Si Xarago leh Shabaqa Xulka Hawd u dhex dhigay Ciyaar yahanka Xulka Gobolka Badhan ee lagu magacaabo Maxamed Xasan oo Sita Nombar 6

Jamaal Cabdi Axmed oo Nombarka 8aad u Sita Xulka Gobolka Hawd ayaa Kubad Xirfadaysan waxa uu si Qurux badan u dhex dhigay Goolka Gobolka Badhan taas oo ka dhigtay in Gobolka Hawd uu leeyahay laba Gool iyo Gool ay Xulka Badhan leeyihiin.

Xulka Gobolka Hawd ayay u tahay Sanadkii labaad ee ay ka qayb galaan Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee ka qabsoomay Magaalada Burco dabayaaqadii Sannadkii 2011-kii oo ay ka galeen Kaalinta labaad,Halka Gobolka Badhan ayay u noqonaysaa Markii 1aad ee ay ka qayb galaan Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland.

Maalinta Beri Waxaa dhici doonta Laba Ciyaarood oo dhex mari doonta Xulalka Gobolada Sool iyo Awdal , iyo Gebilay iyo Togdheer.

 

 

Hargaysa SDN.

Qurbojoog.com