Afgooye:June,20,2015(SDN/QJ)-Wararka ka imanaya Degmada Afgooye, ayaa sheegaya in Weerar gaadmo ah oo Al-shabaab habeenkii xalay halkaas ku qaadeen ay ku laayeen ugu yaraa 8-Askari oo katirsanaa Ciidamada Dawladda Somalia.
Wararku waxa ay intaas ku dareen in dhaawacyo badani ay jiraan, isla-markaana halkaas lagu gubay gaadiid ay ciidamadu lahaayeen.
Weerarka ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Mukayga oo ka tirsan Degamada Afgooye, iyadoo xilliga uu dhacayna ay ahayd xilliyadii Suxuurtii.
Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in ay weerarkan ku dileen 12 askeri, waxaana sidaa sheegtey afhayeen la hadley warbaahinta reuters oo ka tirsan al-Shabaab kaas o magiciisa ku sheegey Cabdicasiis Abu Muscab.
Kooxdii weerarka soo qaadey waxaa u suurta gashey in ay qabsadaan goobta ciidanku ku sugnaayeen isla markaana ay gacanta ku dhigeen afar gaadhi oo ciidamadu lahaayeen.
Ciidamada Booliska ayaa dib u qabsadey laba kamid ah gawaadhidaas sida uu warbaahinta u sheegey Taliyeku-xigeenka Booliska Afgooye.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli lagu jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan, al-Shabaabna caan ku yihiin in ay kor u qaadaan weeraradooda Bisha Ramadaan.
SDN/QJ
